Wasaaradda amniga Soomaaliya oo war cusub iyo digniin kasoo saartay arrinta Sheekh Shariif

Muqdisho (Aftahannews)- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay warar la isla dhex marayay oo sheegayay in laamo ka tirsan dowladda ay abaabuleen weerar ka dhan ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

War saxaafadeed ay soo saareen mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga gudaha ayaa lagu yidhi:-

“Wasaaraddu waxay bulshada la wadaagaysaa in uu yahay wax kama jiraan eedaha lagu xusay qoraal lagu sheegay in qaar kamid ah hay’adaha amniga ay abuubuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore Mudane, Shariif Sheekh Axmed. Wasaaraddu waxay caddeynaysaa in Madaxweynaha haatan xilka haya iyo labadii Madaxweyne ee ka horreysay ay dhammaantood amnigooda sugaan askar ka wada tirsan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, sidaas daraadeedna ayna suurtagal ahayn wararka haatan la faafinayo”.

Baraha bulshada ee Soomaalida ayaa si weyn la isula dhex marayay sheekada ku saabsan weerarka la sheegay in lagu beegsaday Shariif.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay inay waajib qaran tahay ilaalinta amniga Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii ka dambeeyay, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaanu adkeynaynaa in Madaxweyneyaashii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin Madaxweyneyaal dalkan ka soo samata-bixiyey marxalad adag, qarankana ay ku leeyihiin tixgelin gaar ah, amnigooduna uu yahay waajib qaran oo ay u heellan yihiin ciidamada loo igmaday ilaalinta Madaxda Qaranka soo martay,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Labada siyaasi ayaa hadda safka hore kaga jira shakhsiyaadka mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga gudaha ayaa loogu gooddiyay waxa loogu yeedhay “dadka soo abaabulay warka been abuurka ah”.

“DFS waxay ka digeysaa ficillada xun iyo wararka been abuurka ah ee ay shakhsiyaad la garanayo ku doonayaan in ay dano siyaasadeed uga maacaashaan wararka aan sal iyo raadka toona lahayn”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.