Somaliland oo baaq culus u jeedisay Warbaahinta gaarka loo leeyahay

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna Afhayeenka Xukuumadda, Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in aanay dawladdu diyaar u aheyn Telefishan caqabad ku noqda Arrimaha Caafimaadka iyo Madax-bannaanida Somaliland.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wuxuu sidaas ka sheegay shirjaa’id oo ay maanta xarunta Warfaafinta ugu qabteen Guddida heer Qaran ee ka hortagga Xanuunka Coronavirus (Cofid19),waxaanu Warbaahinta ku booriyey inay baahiyaan tilmaamaha iyo farriimaha dawladdu soo saarto,waxaannu yidhi “Marka hore TV-yada Madaxa Bannaan iyo dhammaan Saxaafadda gaarka loo leeyahay waxaan ka codsanaynaa inay ku soo biiraan Siyaasadda Qaran ee lagula dagaalamayo Xannuunkan. Si ay farriintu si isku mid ah ugu baxdo oo si taxadar leh loo sheego oo ay noqoto mid ummadda u adeegta ee aan ka adeegin.”

“Waxaynu rabaa in war kastaa yeesho il (Source) uu ka soo baxo oo la hubiyo. Wasaaradda Caafimaadka ayaa tilmaamaha leh.laakiin Wasaaradda Warfaafintu waxa ay yeelaynaysaa inay hagto dhammaan wixii Warfaafin ah ee ku saabsan xannuunkan,” ayuu yidhi Wasiir Koore.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaanu magacaabaynaa Guddi farsamo oo arrintaas dardargeliya oo hoos yimaada Guddida Qaran ee ka hortaga iyo u diyaargarowga Coronavirus.”

Wasiirka Warfaafintu waxa kaloo uu caddeeyey inay jiraan Telefishanno aan la shaqeyn Wasaaradda,waxaanu yidhi “Telefishannada gaarka ah waxa jira qaar aan nala shaqeyn qarin maayo, Intii aan imid TV-yo aan ka soo xaadirin ayaa jira, Telefishannada qaar waxaanu u aqoonsanaynaa markaanu borobagaandadooda sida aanay iskaashi nagala laheyn Arrimaha Somaliland aanu aragno,waxaanu u aqoonsanaynaa in aanay ka mid aheyn Telefishannada laga leeyahay Somaliland.”

“Dawladdu diyaar uma ah Telefishan caafimaadkeeda iyo madax-bannaanidda Somaliland caqab ku ah,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.