C/Qaadir Maxamed Faarax (Biriq) oo ka mid ahaa Ciyaaroyadii hore ee Soomaaliya oo u geeriyooday Coranavurus

London (Aftahannews) – Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa dalka Ingiriiska ugu geeriyooday Coranavurus.

Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambeeyay yaalay cusbitaalka ku yaala magaalada London halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay.

Marxuumka ayaa ka mid ah dad Soomaalida oo ku nool dalalka qurbaha oo coronavirus laga helay isla markaana qaar ka mid ahi ay u geeriyoodeen.

Wararka laga helayo dalaka Sweden ayaa sheegaya in meelaha laga diiwaan galiyay dhimashada ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah oo u badan dad da’a.

Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), ayaa sanadkii 1961 ku dhashay magaalada Baladweyne. Sanadkii 1976 ayay ahayd markii ugu horeysay ee uu bilaabay kubada cagta, isaga oo u soo saftay kooxdii kubadda cagta ee gobolka Hiiraan. Biriq ayaa markii dambe ku biiray kooxdii kubadda cagta ee BATROOLKA. Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Biriq wuxuu ahaa shaqsi magac weyn ku lahaa bahda Sportiga Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.