Xukuumada Somaliland oo tallaabo ka qaadaysa dadka Marfashyada ku qayila

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Tallaabo ka qaadayso Cidda la arko iyagoo ku qayilaya Marfashyada ku yaalla Magaalooyinka dalka.

Xukuumadda ayaa sheegtay in laga bilaabo Maalinta Berri ah Magaalooyinka lagu soo daadin doono Ciidammo, si ay Tallaabo uga qaadaan Dadka Qaadka cuna ee sida koox-kooxda Marfashyada ugu qayila.

Sidaana waxa Maanta sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ka hor-tagga Caabuqa Dunida faraha baas ku haya ee Coronavirus, kaasi oo ka dillaacay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xuduud la leh Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.