Gashaantidu Dhaqanka Soomaalida Doorkii Ay Ku Lahayd. Qalinkii Mustafe Maxamed Dheereeye

Filed under: Wararka |

      Waxaa dhinaca bidix nooga muuqday qof xambaarsan xaabo badan waxay tallaabada u hash-laynaysaa sida Gorayada oo kale, iyadoo ay giftinada  fiiqfiiqan ee xaabada ay siddo iila eekaadeen garbaha Gorayo galbinaysa dhaloheedii oo ay socod barayso.

Xilli ay cadceeddu liiqa dhigtay, waxa dhinaca woqooyi ee deegaanka Magaalo-xoosh ee degmada Faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex,  meel gaaban mudh nagaga soo tidhi  inan gashaanti ah oo xambaarsan xaabo ay ku adkaysay xadhig gar ah oo ay kasheeda ku caymisay.

Inantu marka ay dhalato waxay soo martaa marxalado ay Soomaalidu u taqaano inan, Dhooray, Foodley, Seeman, Inan timo-tidcan ama Gashaanti. Marxaladahaasi waxay nolosha inanta ku kala leeyihiin masuuliyado ay kula qaybsato hawl-maalmeedka qoyskooda. Marka ay raad qaado inta laba kabood oo maas ah oo wiiqda haya loo soo tolo ayaa ul yar loo dhiibaa, si ay u celiso Maqasha ama Naylaha imminka dhashay ee loogu talogalay inay ku ababaan kambalka Guriga.

Foodlay ama Dhooray oo ah marxaladda inanta lagu aamino inay adhiga raacdo, waxay daajisaa kaymaha ugbaadka leh iyo dooxooyinka, si adhigoodu u yeesho gashi iyo qurux caano badana u dhiiqo

Sida uu ii sheegay dhaqan-yaaan Mawliid Aadan Biixi, marlaxadda la yidhaahdo Seeman waa xiliga inanta laga xiiro dhoorka ee loo diyaarinayo in ay u soo baxaan timihii dheeraa ee lagu tilmaansan jiray Inan timo-tidcan. Filkan ama xiligan masuuliyadda inantu way korodhaa, waxaanay dusha u ridataa  lisidda xoolaha iyo ciirta oo ay lusho iyo waxii la hal maala.

Inantu marka ay timaha tidcato ama Gashaanti is taawiliso, waxay ku biirtaa Taliska Sare ee reerka, waana xiliga lagu aamino inta badan hawlaha guriga, waxayna Awrta u dhaamisaa masaafo fog, iyadoo xiliyada Jiilaalka iyo abaaraha biyo la’aaneed dhacaan ay xoolaha u arooriso baraago ama ceelal-biyoodyo aan cari iyo can toona lahayn.

Waxa kaloo ay ka shaqaysaa diirista maydhaxda, gurista Cawska, soo bixinta Dhigaha, soo goynta Duurka oo Kabdaha, Cawsaska iyo Aqal Soomaaliga lagu dhiso, waxayna ku soo ururisaa Buul-yaraha oo ah halka ay Gashaantidu ku qaabisho asxaabteeda.

Kartida iyo baarinimada inantan Timaha-tidcan, waxaa laga dareemi jiray arlada iyo deegaannada Mawluhu ka beeray, waxaanna sahanka ka laba-celin jiray Soddoho iyo Odayaal maal badan haysta oo wiilal ay dhaleen u ilaalo-tag ah, waxa aan iyaguna meesha ka maqnayn caa’ilad hiddaysanaysa tafiirtii qoysnimo ee ka dhexaysay. Waxaa iyaguna dhinacooda ka ilaashanaya dhallinyaradii ay wada barbaareen ee ay wada caddalooli  jireen, isla markaana xiliyada la Ciyaar tumayo ay u mari jirtay

 

Aabbaha iyo hooyada dhalay gashaantidan, waxay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqa iyo nux-nuxda dhoorayda reerku ku waranto, si ay u ogaadaan ciddii Dhaanka la rartay ama Awrta la soo caraabisay, waxayna ka dhursugayeen in Inantooda mar uun laga xoolo-qaadan doono oo xeradooda ay soo geli doonaan geel Yarad ah oo Rag Dhaqasho iyo kartiba lagu majeerto oo ay inantooda la caashaqsanaayeen.

Inanta hooyadeed waxay ku tababari jirtay sidii qoyskaas ay u dhaxday  dhaliil ama xoolo mooganaan aanay ugu xaman lahayn  gashasantida waxaa laga shaqayn jirey muuqaalkeeda dhinaca quruxda taas oo cuntooyinka qaar aan loo ogolayn si aanay u yeelan hilib qotonkeeda wax u dhimi kara waxyaabahii ka mamnuuca ahaa waxaa ka mid ahaa Shaaha iyo Baruurta, xiliyada la ducaysto na hilbaha ay qaybta u lahayd waxaa ka mida Misigta iyo Shanshada oo jiidh u badan

Qiimaha Soomaalidu ay u hayso xididdnimada ayaa ah meeqaamka ugu sareeya ee wax la isugu noqdo, waana la isku caawin jiray, la isku martiyi jiray, la isku magan-galin jiray, laguna nabdaadi jiray, la iskuna dhibaadin jiray oo haddii ay inani reer kaaga jirto, waxa  lagugu qaddarin ogaa martabada u saraysa.

Qormadani waxay dhiirigelinaysaa qiimihii iyo milgihii ay Gashaantida ama Inanta Timo-tidcani lahaan jirtayS iyo sidii quruxda badnayd ee ay isku qaddarin jireen labada reer, qoys ama qabiil ee ay inani isku xidhay, balse waxa hadda muuqata in dunidan dhaqamadoodii isku milmeen ay sabab u noqonayaan inay sii wiiqmayso qiimihii iyo sharafkii Inantu lahaan jirtay, taasina ay saamayn wayn ku yeelatay  dhaqanka iyo asluubtii wanaagsanayd ee bulshadeennu lahaan jirtay.

Xilli Casar gaaban ah ayaan sawirkan ka qaaday Inan xaabo badan xambaarsan deegaanka Faraweyne ee Gobolka Maroodi-jeex.

Ugu dambayntii, waxaan soo jeedinayaa in wax badan laga ogaado qiimaha dhaqankeenu u hayo ama u hayn jiray dumarka, kaas oo safka hore kaga jiray wayxaabaha loogu qiimaynta iyo qaddarinta badnaa bulsho ahaan.

Waxaan ku soo afmeerayaa maansada Geeska Afrika ee uu tiriyay Abwaanka caanka ah Maxamed Ibraahim Hadraawi

Hablihii gu’ iyo dayr

Sida baarqab golongolay

Dhexda xadhig ku goyn jirey

Hablihii garaaraha

Gaatan-socodka laafyaha

Sida gorayga ciideed

Gelbin jirey tallaabada

Hablihii gun iyo baar

Isha gacalo-eegtaa

Gama’ aanay ledi jirin

 

Hablii talada guunkiyo

Gunti jirey xishoodkee

Hadalkoodu gaabnaa

Hablihii gef hooyiyo

Qarsan jirey guhaaddee

Hadday godollo soomaan

Ama gaajo liitaan

Cidi aanay garan jirin

 

Hablihii gammaan faras

Iyo geela ugubka ah

Guur doon ka bixin jirey

Hablihii Gargaariyo

Guuleed ku curan jirey

Goldaloolo iyo ceeb

Hablihii ka guban jirey

 

Hablahaan gankoodiyo

Hilbahooda gadi jirin

 

 

 

Wa Bilaahi towfiiq

 

 

 

Mustafe Maxamed Nuur

 

 

 

Mustafe Dheereeye

You must be logged in to post a comment Login