Abiy Xaalad Deg-deg Ah Galiyey Itoobiya Iyo Go’aamo Uu Soo Saaray

Addis Ababa (Aftahannews)- Raysal-wasaaraha dalka Ethipia, Abiy Ahmed, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Laamaha amniga amniga ee dalkaas, waxaana kulankaas lagu faaqiday tallaabooyinka ugu muhiimsan ee ay dawlad ahaan ka qaadanayaan diyaar-garowga cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu fidaya adduunka.

Kulankan oo salka ku haya heerka xawliga ah ee faafitaanka cudurku ku hayo adduunka iyo kiisaska sii kordhaya ee laga xaqiijiyay gudaha Ethiopia, waxa uu raysal-wasaaraha Ethiopia ku dhawaaqay Guddi heer Wasiir ah oo ay ku jiraan guddi hoosaad qaabilsan dhinaca amniga

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee APO oo Somalilandpost.net warkan ka soo xigatay, wada-hadal qoto dheer kadib, waxa uu raysalwasaaraha Ethiopia ku dhawaaqay tallaabooyinka dowladdiisu ka qaadatay xakamaynta Caabuqa CoronaVirus.

Go’aamada uu shaacisay Raysal-waaaraha Abiy Ahmed, ayaa u qornaa sidan:-

  • Laga bilaabo maanta 23 March, 2020, Waaxda amniga waxay bilaabi doontaa inay dhaqan geliso talaabooyinka Guddiga Wasiirrada si loo joojiyo isu-imaatinka tirada badan ee dadka.
  • In Hay’adaha dowladda, oo ay kujiraan axsaabta siyaasadda, ay u hoggaansamaan yaraynta Isu-imaanshiyaha iyo kulamada bulshada.
  • In Hay’adaha dowladdu ay fududeeyaan fursado ay Shaqaalaha qaarkood guryaha uga soo shaqayn karaan iyadoo la eegayo hadba xaaladdu siday tahay.
  • In Gawaadhida dadweynuhu ay joojinayaan buux-dhaafka, waxaana kormeer ku samayn doona ciidamada nabad-gelyada waddooyinka iyo hawl-wadeeno kale.
  • In Ciidamada Difaaca Qaranka iyo Boolisku sameeyaan diyaar garow dhexdooda ah, una diyaar garoobaan qabashada howlaha heer qaran ee ka hortagga cudurka.
  • In Tallaabooyin sharci laga qaadayo ganacsiyada sida sharci-darrada kor ugu kicinaya qiimaha badeecadaha.
  • In Saxaafaddu door muhiim ah ka qaadato sidii kor loogu qaadi lahaa wacyi-gelinta bulshada ee ka-hortagga caabuqa CoronaVirus.
  • In Ciidamada Difaaca Qaranka joojinaan isu socodka dadka ee xuduudaha oo dhan, marka laga reebo soo-gelinta badeecadaha muhiimka ah ee dalka.”

Warka ay baahisay wakaaladda wararka ee APO, ayaa lagu sheegay in Raysal-wasaare Abiy uu shaaciyey in gobollada uu dalkaasi ka kooban yahay laga hirgelinayo xarumo Karantiil iyo xirfadleyaal caafimaad oo ka hawl-gala haddii ay dhacdo inuu cudurku ku fido dalkaas.

Waxa kale oo uu Raysal-wasaare Abiy sheegay in dowladda Federaalka ee Ethiopia 5 Bilyan oo Birr u qoondayso hawlaha u diyaar-garowga Cudurka COVID-19.

Dalka Ethiopia ayaa la xaqiijiyey 11 kiis oo caabuqa CoronaVirus ilaa immika, haseyeeshee waxa jira walaac laga qabo inay tiradu intaas ka badan, balse ma jiraan dad cudurka u dhintay oo la xaqiijiyey.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo warbixinnadii u dambeeyey ee la shaaciyey, tirada Kiisaska caabuqa Corona Virus ee caalamka ayaa kor u dhaafay 340,000, halka tirada dhimashaduna kor u dhaaftay 15,600 qof.

Warku waxa uu intaad ku daray in ku-dhawaad 100,000 qof oo ka mid ah tiradada guud ee kiisaska ka jira caalamka, ay ka soo kabteen xannuunka isla markaana xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay.