Somalia Oo Xukuumadda Biixi Ka Badbaadisay Xannuunka Coronavirus

Muqdisho (Aftahannews)-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan diyaarada Fly Dubai oo kasoo dagi rabtay madaarka Hargeysa dib uga celisay hawada Somaliland, midaasi oo qeyb ka aheyd go’aamada lagu adkeynayo ka hortagayo cudurka Coronavirus.

Talaabadaasi oo xukuumada Somaliland u arkeysay awood sheegayso ku aadan maamulka Hawada, ayaa haddana waxa soo baxaya in Talaabadaasi dowladdu qaaday ay deegaanada Somaliland ka bad-baadisay in gudaha u galo fayruska Corona.

Fly Dubai ayaa markii dib loogu celiyay madaarka Dubai, waxa baadhis kadib la ogaaday in Dad saarna diyaaradaasi ay qabaan Caabuqa Coronavirus, oo faro ba’an ku haya dunida oo dhan.

Dadkaasi saarnaa diyaarada ee laga helay Coronavirus ayaa waxay ahaayeen Qoys Soomaali ah, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon-yahay.

Valueimpression Placeholder

Qoyska Soomaali-da ah ee saarnaa diyaarada Fly Dubai ee dib looga celiyay Hargeysa, ayaa sida la sheegay waxay ka yimadeen Mareykanka, iyagoona soo maray dalka Ingiriiska oo la tacaalaya caabuqa Coronavirus.

Talaabada ay Dowladda federaalku ku joojisay Duulimaadyada caalamiga ayaa ah mid bogaadin leh, maadama ay kaalin muhiim ah ka qaadaneyso ka hortaga caabuqa faraha ba’an ku haya Dunida ee Corona.

Waxaana loo baahan yahay in maamulada dalku u hogaansamaan arrinkaasi maadama ay kaalin muhiima ka ciyaareyso bad qabka bulshadeena.

Soomaaliya oo lagu tiriyo wadamada aan laheyn adeeg Caafimaad oo tayo leh, ayaa waxa kaliya ee la gudboon waqti xaadirkan ay tahay sidii ay uga hortagi laheyn in dalkeeda uu ku faafo fayruskaasi halista ah.