Boqortooyada Sucuudiga Oo Baabi’isay Ciidamado Qaabilsanaa Kala Saarista Ragga Iyo Haweenka

Hargeysa, (Aftahannews)-Boqortooyada Sucuudiga ayaa gabi ahaanba baabiisay ciidamadii boolisul Adaabka loo yaqaanayay ee gudida wanaag Farista iyo Xumaan Reebista la shaqayn jiray, kuwaas oo si gaar ah u qaabilsanaa kala saarista ragga iyo haweenka ee goobaha lagu kulmo, kana hawl gali jiray dhamaan goobaha ganacsiga ee Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiirka Maamulka Gobolada iyo Magaalooyinka u qaabilsan Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo saaray wareegto uu si rasmi ah ugu mamnuucayo ciidamadaa boolisul Adaabka kuna cadaynayo in hawshii ay qaban jireen, dhamaatay oo xoriyad buuxda la siiyay haweenka dalkaa.

Talaabadan ayaa qayb ka ah sida wasiirku sheegay is bedelada lagu furfurayo nidaamka maamul ee dalkaa oo awal shareecada Islaamka ku dhisnaa, laakiin tan iyo intii uu dhaxal sugaha dalkaa Noqday Muhammad bin Salman uu wax wayn ka badalay, talaabooyin kala duwan ee muran badan abuurayna uu ka dhaqan geliyay Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wareegtada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ku mamnuucday booliskii dhaqanka ama sida loo yaqaano boolisul adaabka ayaa lagu baahiyay bog twitter-ka ay wasaaradda maamulka gobolada iyo magaalooyinku ku baahisay bogooda, waxaanu noqonayaa qorshihii ugu danbeeyay ee lagaga takalusayo hay’adda Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Sucuudi Carabiya ayaa sannadihii u dambeeyay waxa ka bilaabmay isbedelo lagaga takhalusayo ama lagu khafiifinayo ku-dhaqankii Shareecadda Islaamka ee dalkaasi ku dhaqmi jiray, iyadoo markii ugu horeysay loo ogolaaday Sinimooyaal rag iyo dumarku wada geli karaan oo ay wada daawan karaan, meelo qoob-ka-ciyaarka ah, isla markaana lagu qabto tartanada ciyaaraha Musaaracada (Legdanka) oo rag iyo dumarba leh.