Xidhiidhka UEFA Oo Isbedel Ku Sameeyey Champions-ka Iyo Europa

Xidhiidhka kubada cagta Ingariiska ee UEFA ayaa warbixin goordhow warbixin ay soo saartay waxay ku sheegeen in dib loo dhigay finalkii Champions League iyo Europa League si la mid ah finalka Champions League ee dumarka.

UEFA ayaase shaacisay in waqti rasmi ah loo qabanin taariikhda la ciyaarayo kulamada kama danbeysta ee Champions League iyo Europa League.

Warkaan ayaa ka daba yimid kii hore uga soo baxay UEFA ee ay ku qorsheynayeen in finalka Champions League la ciyaaro 27ka Juun halka finalka Europa League uu ku balansanaa in la qabto 24ka Juun.

Go’aanka ay UEFA sida rasmiga ah ugu badashay taariikhdii hore loogu qorsheeyay finalada Champions League iyo Europa league ayaa ku soo beegmay maanta oo ay kooxaha Yurub iskugu yimaadeen shirka ururka ECA kuwaas oo qodobo badan ka wada hadlay.

Laakiin UEFA waxay haatan shaaciyaan in haatan dib loo dhigay dhamaan kulamada finalka ee tartamada UEFA iyadoo aan la ogyen waqtiga la ciyaari doono.

Dalalka Yurub ayuu faro ba’an ku hayaa cudurka halista ah ee Coronavirus iyadoo maalinba maalinta ka danbeysa uu soo ridanayo dad aad u tiro badan.

Waxaa gabi ahaanba hakad galay adeegyada nolosha dadka iyadoo lagu amray dadku inay guryahooda iska joogaan si uu u yaraado faafida cubuqa Corona.

UEFA ayaa hore u shaacisay in hal sanno dib loo dhigay koobka Qaramada Yurub ee Euro 2020 oo la ciyaari lahaa xagaagan balse haatan la ciyaari doono xagaaga sannadkan 2021.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka rasmiga ah ee UEFA ka soo baxay shaci cusub sii galiyay haddii la ciyaari doono finalada Champions League iyo Europa League ee xili ciyaareedkan iyada oo gabi ahaanba meesha laga saari karo.