Addis Ababa oo Jabuuti & Muqdisho Ka Dalbatay Inay Faahfaahin Ka Bixiyaan Qaraarka Jaamacadda Carabta Ee Itoobiya Lagu Cambaareeyay, Laguna Taageeray Masar

Addis Ababa (Aftahannews)- Dawladda Itoobiya ayaa weydiisatay dalalka Soomaaliya iyo Djibouti inay faahfaahin ka bixiyaan qaraarka Ururka Jaamacadda Carabtu uu ka soo saaray khilaafka Masar iyo Itoobiya ee webiga Niilka oo lagu garab istaagay Masar, laguna cambaareeyay Itoobiya.

Labadan waddan ee Soomaaliya iyo Djibouti oo saaxiib dhow la ah maamulka Raysal wasaare Abiye ee Itoobiya ayaa ka mid ahaa wadamada saxeexay ee u codeeyay qaraarkaas. Itoobiya oo ka cadhootay qaraarkaas ayaa weydiisatay madaxda Djibouti iyo Soomaaliya inay faahfaahin ka bixiyaan qaraarka Itoobiya lagu cambaareeyay iyo doorkii ay ku lahaayeen.

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Gedu Andargachew, oo u warramay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa sheegay in madaxda labada waddan ee Soomaaliya iyo Djibouti ay Itoobiya soo gaadhsiiyeen dhambaalo ay ku sheegeen, inkastoo ay qayb ka ahaayeen qaraarkaas haddana ay u arkaan inaanu ahayn qaraar wax isu soo dhawaynaya. “Dhambaalo  aanu ka helnay waxay  [Djibouti iyo Soomaaliya] sheegeen in qaraarkaas uu Jaamacadda Carabtu ansixiyay aanu door xalin ah ka ciyaarayn dhibaatada taagan, balse uu xaaladda sii xumaynayo. Waxay noo sheegeen in dhibaatada aan lagu xalin doonin jidkaas oo kale, waxaanan rumaysanahay in xubnaha kale ee jaamacadda Carabtu ay sidan oo kale yeeli doonaan.”

Dawladda Masar oo leh awood diblomaasiyadeed ayaa waxa ay ururka Jaamacadda Carabta ka ansixisay qaraar ka dhan ah Itoobiya oo dhawaan ka baxday wada-hadalladii webiga Niilka oo uu Maraykanku dhexdhexaadinayay.

Dad badan ayaa aaminsan in Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Khayre oo maalmo ka hor socdaal kooban ku tagay Addis Ababa uu dawladda Itoobiya gaadhsiiyay raaligelin ku saabsan doorkii ay ku lahaayeen qaraarkaas.

 

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika