Madaxweyne Biixi: Su’aalaha la weydiiyey iyo Jawaabaha uu Bixiyey – Daawo

Hargeysa (AFN):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shir Jaraa’id oo uu kaga hadlay ka hortagga Corona-virus Covid-19, isagoo ay dhinacyadiisa taagnaayeen Guddiga heer Qaran ee uu u magacaabay ka-hortagga iyo ka diyaar-garawga Cudurkaas oo dunida si aad ah ugu faafay, soona gaadhay Itoobiya iyo Kenya.

Hase-yeeshee, hadalkiisa ka sokow, waxa uu ka jawaabay su’aalo ay Weriyeyaasha Shirkiisa Jaraa’id oo uu 16-ka March 2020 ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ka qaybgalay ka weydiiyeen qodobbada uu ka hadlay iyo awoodda dalka iyo dowladda ee horeba u hooseeyey dhinaca adeegyada iyo aqoonta caafimaadka.

Haddaba, sida ay u dhaceen Su’aalaha Madaxweyne Biixi Suxufiyiintu weydiiyeen iyo Jawaabaha uu ka bixiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.