Tirada Dadka Adduunka ugu Dhintay Coronavirus oo gaadhay 11,000 (oo Qof)

Wuhan (Aftahannews) – Tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda u dhintay xanuunka coronavirus ee adduunka oo dhan ayaa gaadhay 11,000 qof, waxaana saacadba saacada ka dambaysa kordhaya tirada dadka qaadaya xanuunkaasi oo tiradooda lagu sheegay inay gaadhayso 300,000 qof oo adduunka ku kala sugan.

Sida ay xaqiijisay xog ururin ay samaysay jaamacada the Johns Hopkins University oo ku taala dalka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in dadka ka soo kabtay xanuunkaasi ay gaadhayso 88,000 qof.

Tirada dadka ku nool qaarada Yurub ee uu haleelay coronavirus ayaa kordhaysa waxaana la diiwaangaliyey 5,000 kiis oo cusub gaar ahaana dalalka Spain iyo Jarmalka.

Halka dalka Talyaaniga oo oo kaliya tiro ka badan 627 ay dhinteen Jimcihii shalay oo kaliya, isla markaana ay kordhayso maalinba maalinta ka dambaysa tirada dadka xanuunkaasi qaadaysa.

Dhinaca kale dalka Pakistan ayaa hakiyey duulimaadyadii caalamiga ahaa, halka Singapore lagu soo waramayo labadii kiis ee u horeeyey ee dhimasho ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.