Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay inay laba Maalmood oggolaatay Duulimaadyada imanaya Dalka

Muqdisho, (Aftahannews) – Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa muddo laba maalmood ah fasaxaysa dhammaan Diyaaradaha keenaya Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka, kuwaasoo ku dagi doona garoomo cayiman.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in go’aankan la qaatay uu yahay mid ka dhashay cabasho ka timi Muwaaddiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo xaq dastuuri ah u leh inay kusoo laabtaan dalkooda.

Qoraalka Wasaradda Gaadiidka waxaa ku cad in Diyaaraddaha la oggol yahay ay yihiin kuwa sida Dawooyinka iyo Raashinka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.