Duufaanno Xooggan Iyo Roob Is-wata Oo Laga Digay Inay Maanta Ka Bilaabmayaan Somaliland Iyo Bariga Itoobiya

Roobabka iyo Duufaanta Is-wata oo meelo Soomaaliya ka mid ah ka bilaabmay iyo khasaaraha ay geysteen

“Laakiin, meelaha uu Roobabka ugu waaweyni ay ka di’i doonaan waxay noqonayaan Woqooyiga Soomaaliya (Somaliland) ama waxa laga yaabaa in ay u sii gudbaan Bariga Itoobiya toddobaadka badhtamihiisa.” Warbixin Culimada Saadaasha Hawadu Kaga digeen Dabaylaha iyo Roobabka ka dhici doona Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya.

B7B86513-CDA5-40F8-870A-0E6860C972C5_w268_r1_cx0_cy5_cw0

Hargeysa(Aftahannews):- Culimada Saadaasha hawada, ayaa sheegay in waddamada Somaliland, Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku soo fool leedahay duufaan Roobab waaweyn wadata, taasoo Jimcihii ka soo bilaabantay Badda Carabta.

Sida lagu baahiyey Barta Internetka saadaasha Cimilada ee lagu magacaabo accuweather.com iyo telefishanka Al-Jazeera, duufaantan Roobabka wadata, ayaa samayn doonta Somaliland, qaybo ka mid ah Puntland iyo dalka Itoobiya, taasoo la filayo inay bilaabanto maanta. “Roobab daadad wata iyo dabaylo xoog badan ayaa saamayn doona Soomaaliya Isniinta, kuwaasoo ka soo bilaabmay Galbeedka Badda Carabta saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha.” ayaa lagu yidhi warka digniinta ah ee la baahiyey, waxaanu intaa ku daray in Roobabkaas iyo dabaylaha iswataa ay socon doonaan illaa toddobaadka soo socda bilowgiisa.

Roobabkan ayaa la sheegay in ay samayn doonaan daadad badan oo cabbirkiisu gaadhi doono afar illaa siddeed Inji oo u dhiganta 100 illaa 200 millimeter. “Roobka baaxaddaas lihi waxa uu khatar ku yahay nolosha dadka.” ayaa lagu yidhi warkan, waxaanu intaa raaciyay in daadadkaasi ay ka tegi doonaan dhoobo ku hadha deegaammada Buuralayda ah.

Dabaylahan oo lagu magacaabo Tropical Cyclone 03A, ayaa la sheegay marka hore inay ka bilaabmi doonto Xeebaha Puntland, ka dibna ay u gudbi doonto Somaliland iyo Itoobiya. “Dabaylahan oo ku socda 50 illaa 100 kiilo mitir saacaddii waxay saamayn doonaan qaybaha Bari ee Somaliya, waxaanay u gudbi doontaa xeelliga. Waxa intaa dheer, mowjado teelteel ah iyo daadad laga filayo Xeebaha maalinta Axadda ah ee khooriga Bari ee Soomaaliya. Dabaylaha Tropical Cyclone 03A waxa la filayaa inay bilaabmaan galabnimada Axadda ee wakhtiga dalkaas waana marka la filayo inay dabaylaha ugu culusi dhacaan.” ayaa lagu yidhi warka, waxaanu intaa raaciyey; “Kadib marka ay bilaabanto dabaylaha Tropical Cyclone 03A, waxa ay lumin doontaa qaab-dhismeedkeedii caadiga ahaa, laakiin meelaha uu Roobabka ugu waaweyni ay ka di’i doonaan waxay noqonayaan Woqooyiga Soomaaliya (Somaliland) ama waxa laga yaabaa in ay u sii gudbaan Bariga Itoobiya toddobaadka badhtamihiisa.”

Sida shalay gelinkii dambe lagu baahiyey Baraha Internetka, hal qof ayaa ku dhintay Xeebta Eyl ee Puntland, ka dib markii ay halkaas ka bilaabmeen dabaylo iyo Roobab iswata. Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo faahfaahinaya arrintan, haddana waxa la filayaa in warar rasmi ahi ka soo baxo illaa maanta. Hase-yeeshee, Roobab wata dabeylo ayaa ka socda degmada Bender Beyla iyo deegaanada u dhow ee gobolka Bari.

Aftahannews.com                    

Hargeysa/Somaliland.