Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dhibaatada Kenya Iyo Itoobiya Ku Hayaan Somalia

Hargeysa, (Aftahannews)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa markii u horeysay si cad u sheegay in Dowladdaha Kenya iyo Itoobiya aysan wadin danta Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyey meelaha ay tahay in laga raadiyo xalka Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay dowladdu uu sheegay in qeyb ka noqon karaan sidii ay Soomaaliya uga bixi laheyd dhibaatadda.

Faysal Cali ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaalida kale ee Somaliland, Soomaalida Kenya, kuwa Itoobiya iyo Jabuuti ay iska kaashadaan sidii dhibaatada looga saari lahaa Soomaaliya.

Faysal ayaa waxa kale oo uu xusay in Madaxda hogaanka dalka gacanta ku haysa ay awoodoodi isugu geeyeen sidii ay u soo qaban lahaayeen Somaliland, isagoo carabka ku adkeeyay in wax talo ah aysan jirin gudaha Somaliland, balse laga wado horumarka Somaliland xaga rabbi.

 “Arrinta Soomaaliya, Kenya ma waddo, Itoobiyana ma waddo, waa arrin Soomaaliyeed Afarteena kale aynu isku tagno oo aynu u talino” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Somaliland loo makhraati furo “Soomaali way iska dhaaftay taladeedii oo sidii Somaliland loo soo qaban lahaa ayuun bay xoogga saareen. Kilimka Shanaadoow markii la idin haystay waanu idin Markhaati furi jirnay ee noo markhaati fura oo Kalmadda Xaqa ah noo dhaha”.

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabe sheegay in Somaliland iska barakaysantahay “Somaliland way iska barakaysan tahay oo ILLAAHAY baa wada, xagga Rabbi ayaa laga wadaa Somaliland ee talo ma jirto” ayuu sii raaciyey Faysal Cali Waraabe.

Xigasho Warsugan