Maxaad Ka Taqaannaa Dhakhtarka Soomaaliga Ah Ee Dagaalka Corona Ka Wada Talyaaniga?

Filed under: Wararka |

Hargeysa, (Aftahannews)-Dr. Fu’aad wuxuu ka mid yahay dhakhaatiirta dagaalka kula jirta Fayraska Corona

Dhakhtar Soomaali ah ayaa ka mid ah dhakhaatiirta safka hore uga jira dagaalka ka dhanka ah Caabuqa Corona ee faraha ba’an ku haya waddanka Talyaaniga, wuxuuna BBC-da uga waramay sida ay xaaladdu tahay iyo wayaabihii uu shakhsi ahaan ula kulmay.

Muddo 40 sano ah ayuu Dr. Fu’aad Caamir Tarmum ku sugnaa Talyaaniga, isagoo shaqadiisuna ay tahay Dhaktarnimada.

Laakiin wuxuu noo sheegay in arrimihii caadiga ahaa ay isbaddaleen markii uu Caabuqan weerarka kusoo qaaday waddanka uu muddada dheer joogay.”Halgan culus baan ku jirnaa, waayo markii hore cudurka wuxuu joogay gobollada Waqooyiga laakiin hadda wuxuu usoo gudbay qeybta bartamaha ee ay ku taallo magaalada aan hadda joogno ee Florence iyo xitaa dhinaca Koonfureed”.Dhaktar Soomaalida u jeediyay talo muhiim ah oo ku aaddan Caabuqa Corona “Waa inaan kala dooranno bukaannada, xaaladduna waxay la mid tahay goob uu dagaal ka socdo’

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Fayraska Corona.Cabsi badan ayuu sheegay inay jirto, xilli cusbitaalka uu ku sugan yahay ay ku qulqulayaan bukaannada uu ku dhacay Caabuqa Corona.

Mar uu ka hadlayay qaabka loo wajaho bukaannada xanuunkan uu soo ritay ayuu Dr. Fu’aad yidhi: “Bukaannada marka ay imaanayaan waxay leeyihiin nidaam gooni ah, dhakhtar walba lama kulmi karo, waxaa arkaya dhakhtar loogu tala galay, lagumana dhaweynayo bukaannada kale ee caadiga ah. Waxaan isbitaalkeenna ku sameynay qeyb gooni ah oo u xidhan dadka qaba Corona, 20 sariir ayaa la dhigay, halkaas ayaan ku daryeelnaa”.

Dadka qaar iyagoo dhimanaya ayaan iska dhaafnaa, annagoo ka door bideyna inaan kuwo kale daweyno

Qaar ka mid ah bukaannada ayuu sheegay in iyagoo sakaraad ah aysan caawininin, ayna kuwo kale ka door bidaan, kaasoo ah go’aan kuu ku tilmaamay mid adag oo ay dhakhaatiirta ku khasban yihiin”Cudurkan waa mid aad u xun oo si dhakhso ah u faafaya, dadku meeshan waxay ugu dhimanayaan si xad-dhaaf ah, waxaad arkeysaa qof ay hortaada nafta uga baxeyso. Waxaan gaarnay heer aan dhahno qofka waayeelka ah waan iska dhaafeynaa, qofka dhalinyarada ayaan daweyneynaa. Sababtoo ah kulligood ma wada daaweyn kartid halmar, waa inaad go’aan gaartid, ” ayuu yidhi Dr. Fu’aad.

 

Dhakhaatiirka dalka Talyaaniga ayaa ka wada siman arrintaas, waxayna sheegeen in go’aankaas qalbi jabka ah ay dantu ku kalliftay”Haddii qof ay da’diisu u dhaxeyso 80 ilaa 95 neefta ku dhaggantahay, uma badna inaad u dhaqaaqdo sidii aad u daweyn lahayd,” ayuu yidhi Dr Christian Salaroli, oo madax ka ah qeybta bukaannada halista ah loo gudbiyo ee isbitaalka magaalada Bergamo ee ka tirsan gobolka waqooyiga Talyaaniga dhaca ee Lombardia, mar uu la hadlayay wargeyska Corriere della Sera.

“Erayadan waa kuwo aad u xun, laakiin waxaa wax laga qoomameeyo ah inay run yihiin. Ma fileyno inay dhacaan waxa aad ugu yeertaan mucjiso,” ayuu yidhi Qalabka neefsashada ka caawiya dadka qaarkood ayaa keyd looga dhigay isbitaalka uu joogo Dr Fu’aad

Talyaaniga ayaa xaalad adag ku wajahaya sidii bukaannada loogu heli lahaa sariiraha isbitaallada oo ku filan – Xaaladdan ayaa lagu tilmaamay mid la arko xilliyada ay socdaan dagaallada lagu hoobto oo kaliya.

Waddankan ayaa ah kan labaad ee ay ku nool yihiin waayeellada ugu badan adduunka, marka laga soo tago kan koowaad oo ah Japan, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.Taasi micnaheedu waa in dadka da’da ah ay halis ugu jiraan inay aad u xanuunsadaan marka uu ku dhaco cudurkan.

Talyaaniga ayaa ah waddanka labaad ee uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay cudurkan loo bixiyay Covid-19, marka laga soo tago Shiinaha.

Ilaa hadda, 27,980 kiis ayaa laga xaqiijiyay gudaha Talyaaniga, tiradaas oo marba marka ka dambeysa si xowli ah u sii kordheysa.

In ka badan 1,000 qof ayaa cudurkan ugu dhintay Talyaaniga, oo ah waddankii ugu horreeyay ee Yurub ka tirsan oo saameynta ugu xun ay kasoo gaartay Fayraska Corona.

You must be logged in to post a comment Login