Dawladda Farmaajo Oo Garab Ku Siinaysa Puntland Weerar Lagu Qaado Somaliland

Garoowe (Aftahannews)-Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa maamul-goboleedka Puntland u ballan-qaadday inay ku garab-taagan tahay wax ay ku tilmaantay “La soo-noqoshada iyo dib u soo celinta gobollada Maqan ee Puntland”, tallaabaas oo ay ku sheegtay mid cashar u noqonaysa “kuwa doonaya inay kala gooyaan Soomaaliya” oo uu markaas ula jeedo Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirul-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim

Wasiirul-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo maanta khudbad ka jeediyey gebo-gabada Shirka Wada-tashiga Maamul-goboleedka Puntland oo maalmihii u dambeeyey ka socday Garowe, ayaa halkaas ka jeediyey hadallo uu madaxda maamul-goboleedkaas ugu dhiirri-gelinayo inay qaadaan colaad hor leh oo ay la galaan Somaliland, maadaama deegaamada Maqan ee uu ka dhawaajiyey yihiin gobollo ka tirsan Somaliland.

Mr Maxamuud Xayir Ibraahim oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, dhalasho ahaanna ka soo jeeda Magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland, waxa uu sheegay in dowladda uu ka tirsan yahay ee Soomaaliya ku garab-taagan tahay maamulka Puntland dariiq kasta oo ay maraan la soo noqonaya dhulka ka maqan.

Isagoo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxaan rabaa inay shirkan ka soo baxdo midnimada iyo kalsoonida dadka reer Punland. Waxaan rabaa inay ka soo baxdo dhulka iyo deegaanka Puntland lagu aasaasay oo is-wata oo wada-jir ah. Waxaan rabaa inaan halkan cod dheer ku yidhaahdo maanta inay fursad u tahay oo ay shirka ka soo baxdo in gobollada maqan ee Puntland la soo celiyo. Waxay Cashar u noqonaysaa kuwa doonaya inay Soomaali kala gooyaan iyo inay ka samraan waxay ku hamiyeyaan.”

Masuulkan oo hadalkiisu u muuqday mid colaad hurinaya, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Madaxweyne (Deni) waxaan kugu tebayaa geesinimo iyo hoggaan wanaagsan, adiga iyo dowladdaaba garab baanu idinku siinaynaa wada-jirka iyo midnimada Puntland.”

Mar uu ka hadlayey faa’idada maamulkaas ugu jirta dowladda Federaalka ah iyo sida ay uga go’an tahay inay ahmiyadda kowaad ee dhinaca maalgelisha iyo deeqaha caalamka siinayaan, waxa uu yidhi, “Waxaan haysanaa dowlad federaal ah oo soo kabanaysa, Puntland ayaa ka mid ah gobollada ka tirsan federaalka. Dhowaan waxa la filayaa in deynta laga saamaxo Soomaaliya, waxaana laga gaadhayaa in aynu helno Maalgeshi, aaminaad, waxaana ugu horreeya oo ka faa’idaysan doona dadka iyo dowladda Puntland oo nabad lagu yaqaano.”

 

Hadalka ka soo yeedhay masuulkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Axaddii todobaadkan oo shirkaasi furmay ay madaxda maamul-goboleedkaasi ka sheegeen inaanay aqbalayn  qabsoomidda wada-hadallo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo aanu maamul-goboleedka Puntland ka qayb-galin.

Si kasta ha ahaatee, masuulkan oo hoggaaminayey wefti ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qayb-galay shirka maamul-goboleedka Puntland, ayaa hadalkiisu ka tarjumayaa mowqifka dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo cadaawadda uu u qabo Jamhuuriyadda Somaliland.