Wasaaradda Ciyaaraha Oo Hakisay Ciyaarihii Ka Socday Stadium-ka

Hargaysa (Aftahannews): Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa hakisay gebi ahaanba ciyaarihii ka socday garoomadda Kubbadaha ee dalka.

Si looga gaashaanto ka hor taga lagaga diyaar garoobayo xanuunka Coronavirus  oo dalalka badan oo caalamka ah faro baas ku haya.

Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Nuux Jibriil, ayaa sheegay  in dhamaanba wixii ciyaaro ahaa ee gudaha dalka ka socday la hakiyay.

Gaar ahaana naadiyadda heerka koowaad oo ay u socdeen ciyaaro, ilaa inta amar danbe ay wasaaraddu ka soo saarayso.

“Anigoo ku hadlaya Af-ka wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland, waxaanu joojinay, ama aanu in muddo ah hakinay ciyaarihii socday.

Mudaddaa kadibna, anagoo ka wada socona xidhiidhka ciyaaraha fudud dib baa laga sheegi doonaa”ayuu yidhi agaasimaha waaxda ciyaaraha.

Maxamed Nuux Jibriil, waxa uu si gaara ula hadlay naadiyadda heerka koowaad ee Kubbadda cagta oo ay ciyaaro u socdeen, kuwaasoo uu ka codsaday in ay u dul qaataan hakadka ku yimid ciyaarihii u socday.

Waxaanu yidhi, “Waxaan maanta halkan ka farayaa ama u sheegayaa naadiyadda heerka koowaad ee tartanku u socday, in aynu muddo hakinay tartankii. Mudadaas kadibna aanu idiin soo sheegi doono.

Iyadoo ciyaaraha kulamadii labaad ay inoo soo dhamaadeen, in marka danbe ee dib loo bilaabo ay halkaa kulamadii saddexaad inooga sii socon doonaan”.

 

Geesta kale agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland waxa uu sheegay in go’aankani uu yahay mid dawladeed, sidaas darteedna bah-weynta ciyaaraha looga baahan yahay in ay u sabraan.

“Waxaan leeyahay bah-weynta ciyaaraha noogu sabra, waa go’aan dawladeed. Dawladda ayaana go’aankaas soo saartay” ayuu yidhi Maxamed Nuux Jibriil, oo maanta la hadlay warbaahinta la hadlay.