Kooxda Manchester City ayaa la kulantay arin aad u xun kadib markii ay heleen war ka soo baxay maxkamada xalinta khilaafaadka Sportska CAS oo la xidhiidha kiiskii ganaaxa City loogaga riday in ay laba xili ciyaareed ka maqnaan doonaan Champions League.
Xidhiidhka kubbada cagta aduunka FIFA ayaa hore muddo laba xili ciyaareed ah Man City uga ganaaxay tartanka kooxaha Yurub ee Champions League kadib markii lagu helay danbi ah in ay ka been sheeegeen xisaabaadka dhaqaalihii kooxdooda soo galay isla markaana ay jabiyeen sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub.
Maxkamadda garsoorka murannada ciyaaraha ee CAS ee dhegaysanaysa kiiska ganaaxa Manchester City labada sannadood lagaga mamnuucay ciyaaraha Champions League ayaa soo saartay go’aan waji gabax ku ah Pep Guardiola iyo kooxdiisa.
City ayaa lagu helay inay buunbuunisay heshiisyo ay la gashay shirkado uu qaarkood leeyahay mulkiilaheedu, si ay isugu dheellitiraan lacagaha soo galay iyo kuwa ay kharash-gareeyeen.
Maxkamadda CAS ayaa hore u xaqiijisay in kooxda haysata horyaalka Premier League ay inyar kaddib go’aankii UEFA rafcaan soo gaadhsiisay, laakiin waxay maxkamaddu sheegtay in dhegaysiga kiiskan aan loo ogolaan doonin inay cid ka socota Man City timaaddo maxkamadda oo ay ka difaacdo eedaymaha iyo dembiga ay ku eedaysan yihiin.
Manchester City oo diyaarsatay qareeno lacago badan ay siinayso oo kiiskan ka difaaci lahaa, isla markaana maxkamadda tegi lahaa, ayaa war-saxaafadeed ay CAS soo saartay, waxa lagu sheegay in caabuqa Coronavirus dartii aan loo ogolaan doonin qareennada City inay maxkamadda yimaaddaan, kaliyana ay Muuqaal Daawasho toos ah kaga qayb-geli karayaan, taas oo waji gabax ku ridday Man City.
Kooxda reer England ayaanay qareennadeedu difaaca loo baahan yahay iyo caddaymahooda ku gudbin karin qaab Online ah (Video conference), hase yeeshee maxkamaddu waxay u sheegtay in duruufaha jiraa aanay u saamixi karin inay qareennadu yimaaddaan xarunta maxkamadda.
Manchester City ayaa filaysay in go’aanka maxkamaddu soo baxo ka hor inta aanu xili ciyaareedku dhamaanin, laakiin Coronavirus ayaa waxa uu ku keenay laba kala doorasho oo ah in dhegaysi ay maqan yihiin oo fiidyow ah ay dacwaddooda ku gudbistaan iyo in ay iska sugaan xilliga ay suurtogalka noqoto ee xanuunkan laga adkaado, taas oo aan la garayn waqtiga ay noqon doonto.