Mid Ka Mid Ah Golaha Wadaaddada Iiraan Oo U Geeriyooday Corona

Tehran (Aftahannews)-Mid kamid ah golaha wadaaddada Iiraan ayaa u geeriyooday caabuqa COVID-19 Korona feyras, waana mas’uulkiii ugu dambeeyay e u dhinta caabuqa sida warbaahinta dowladda Iiran ay qortay.

Ayatollah Hashem Bathayi Golpayegani oo 78 jir ah ayaa u geeriyooday caabuqa kaddib muddo laba maalin kahor oo laga helay feyraska, wakaladda wararka Iiraan ee IRNA ayaa sidaas sheegtay.

Ugu yaraan 12 kamid siyaasiyiinta Iiraan ayaa u geeriyooday caabuqa Koron, iyadoo in ka badan 13 kalena ay qaadeen feyraska oo hadda lala tacaalayo.

Dalka Iiran ayaa la dalaa dhacay cabuqa Korona iyadoo dalkaas kaliya uu ku dhacay dad tiradooda lagu qiyaasay 14,00 oo ruux waxaana u geeriyooday 853.