Madaxweyne Biixi Oo Si Kulul Uga Hadlay Dilalka Gobolka Sool

Hargeysa (aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay dilka Taliyihii Ciidanka Sirdoonka ee gobolka Sool oo xalay dabley aan haybtooda la aqoonsan ku khaarajiyeen gudaha magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in tallaabadaasi ka mid tahay duullaanada iyo dagaallada cadowgu ku hayo Qaranka, waxaanu ciidanka qaranka ku boorriyey inay feejignaan iyo heegan dheeraad ah ka galaan fashilinta tallaabo kasta lagu waxyeellayn karo Qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu arrintan kaga hadlay mar uu maanta kormeer ku tagay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee magaalada Hargeysa, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Cadowgu marba meelbuu kaa soo galayaa. Xalay waxa la dilay Taliyihii amniga ee Laascaanood, illaahay haw naxariisto, waxa ka horeeyey guddoomiyihii Maxkamadda. Markuu cadowgu waayo meel uu kaa soo galo ee uu kaala quusto inuu toos kuu soo weeraro, wuxuu kugu dayayaa gaadmo iyo dhuumasho oo ka xun dagaalka fool-ka-foolka ah,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Taasi waa dagaal innagu soo kordhay, haloo diyaar-garoobo, waxa la tooganayaa haldoorkii oo ah ninkuu cadowgu ka baqo, waana ciidamada, markaa ciidamadii waxa ku waajib ah inay maadaama ay yihiin deyrkii qaranka waxaan kula dar-daarmayaa inay feejignaadaan oo heeganka joogteeyaan.”