Taliyihii Ciidanka Dembi-baadhista Gobolka Sool oo lagu Dilay & Wararkii u Dambeeyey ee Laascaanood

TALIYIHII CIIDANKA C.I.D-DA SOOL CABDIQANI GUHAAD XASAN OO LAGU DILAY LAASCAANOOD 2020
TALIYIHII CIIDANKA C.I.D-DA SOOL CABDIQANI GUHAAD XASAN OO LAGU DILAY LAASCAANOOD 2020

Laascaanood(aftahannews):- Taliyihii Laanta Dembi-baadhista ee Ciidanka Booliska Somaliland ee Gobolka Sool ee C.I.D-da loo yaqaan Cabdiqani Guhaad Xasan, ayaa caawa lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka, sida ay aftahannews.com u xaqiijiyeen Weriyeyaal ku sugan Magaaladaas.

TALIYIHII CIIDANKA C.I.D-DA SOOL CABDIQANI GUHAAD XASAN OO LAGU DILAY LAASCAANOOD 2020
TALIYIHII CIIDANKA C.I.D-DA SOOL CABDIQANI GUHAAD XASAN OO LAGU DILAY LAASCAANOOD 2020

Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee warbaahinta aftahannews.com heshay, ayaa intaas ku daray in caawa abbaaro sagaalkii cawaysnimo lagu dilay Marxuumka lagu dilay Laascaanood, gaar ahaan guriga uu magaaladaas ka degganaa hortiisa, kaas oo ku yaallay Xaafadaha Koonfurta Laascaanood.

Dilkan, ayaa la sheegay inay geysteen Dabley hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan, kuwaas oo la sheegay inaan caawa la qaban ee ay goobta ka yaaceen markii ay dilka geysteen ka dib.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Hay’adaha Ammaanka, Maamullada gobollka iyo degmada ee dowladda Somaliland. Hase-yeeshee, waxay wararka laga helayo Dad ku sugan Laascaanood oo Weriyeyaal ka mid yihiin, Ciidammada Ammaanka magaaladaas, ayaa lagu soo warramayaa inay markiiba goobta dilku ka dhacay gaadheen, isla markaana xidheen waddooyinka xaafaddaas gala iyo kuwa ka baxa, iyagoo Ciidanka gaaf-wareegaya xataa xaafadaha la jaarka ah xaafadda dilku ka dhacay, si ay amniga u sugaan, una baadhaan sida wax u dhaceen.

Dilkan caawa ka dhacay Laascaanood ee Allaah ha naxariistee lagu dilay Taliyihii Laanta Dembi-baadhista gobolka Sool Marxuum Cabdiqani Guhaad, ayaa ku soo beegmay xilli uu labadii bishan Maarso 2020-ka isla magaalada Laascaanood lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool Marxuum Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii gaadhi uu watay oo la filayo in walxaha qarxa loogu xidhay kula qarxay gudaha magaalada Laascaanood, kaasoo aanay .dowladda Somaliland war faahfaahsan ka soo saarin dilkiisa, balse la sheegay in baadhitaan lagu jiro, sida ay ku doodeen Saraakiil wax laga weydiiyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.