Dawlad Ka Hadashay Dhiig Kaydkeedda Laga Xadday

Nairobi, (Aftahannews)-Dowladda Kenya waxay sheegtay inay socdaan baaritaanno ay ku waddo eedeymo la xidhiidha in dhiigga lagu deeqo shacabka dalkaas si sharci darro loogu iib geeyo dalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug lahaan karaan howlaha la xidhiidha dhiigga Kenya laga xado ee lagu iibiyo Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii saraakiisha lagu caddeeyo in dhiigga si sharci darro ah ay u geeyeen Soomaaliya la xidhi doono isla markaana la maxkamadeyn doono.

Waa markii ugu horreysay ee Kenya ay qirato in keydkeeda dhiigga uu yahay mid yar oo aan dabooleyn baahida.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan eedeymahan.Adeegyada keydka dhiigga ee Kenya waxaa 15-kii sanno ee la soo dhaafay maalgelineysay dowladda Mareykanka inkasta oo sannadkii la soo dhaafay uu Mareykanka deeqda dhiigga ah joojiyay, wixii xilliggaas ka dambeeyay dalkaas wuxuu la daalaa dhacayay xoojinta keydka dhiigga.