Wasiirkii Hore Ee Caafimaadka Xagla-Toosiye Muxuu Ka Yidhi Loolanka Murashaxnimo Ee Xisbiga Kulmiye?

Hargeysa, (Aftahannews)-Maalmihii u dambeeyay waxa aad u soo baxayey warar sheegaya in Xisbiga Kulmiye guddoomiye-nimadiisa si kumeel-gaadh ah loogu wareejinayo Wasiirka warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Guddoomiye-nimada xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya lagu wareejinayo Wasiir Koore.

Xaglo-toosiye ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo dad gaar ah ay faafinayaan, oo isla markaana aan sal iyo raad toona laheyn, maadama uu weli socdo shirarkii xisbiga Kulmiye.

“Arrintaasi wax jira maaha, Xisbigu Shirar ayuu leeyahay, Shirarkaasi way soo socdaan” ayuu yidhi Wasiirkii hore e Caafimaadka Somaliland, Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye.

Wuxuuna intaas sii raaciyey Xaglo-toosiye “Waxaasi waa wax aad idinku (Warbaahinta) aad meelahaa ka tidhaahdeen, laakiin rasmi maaha”.

Waxa muddooyinkii dambe aad u soo shaac-baxayey loolan adag oo Siyaasiyiinta Kulmiye ay ugu jiraan sidii ay ku hanan lahaayeen guddoomiye-nimada Xisbigaasi, oo hadda haya talada Somaliland.

Xigasho Geeska Afrika