Xidhiidhka UEFA Oo Go’aan Adag Ka Gaadhaya In Gabi Ahaanba La Bedelo Qaabkii Loo Ciyaari Jiray Champions

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa maalinta talaadada yeelan doona shir muhiim ah oo ay kaga arinsan doonaan qalalaasaha kubbada cagta soo foodsaaray ee caabuqa coronavirus waxayna go’aano muhiim ah ka gaadhi doonaan Champions Leauge iyo Europa League.

Wargayska Daily Mirror ayaa shaaciyay qorshaha cusub ee ay saraakiisha UEFA ka fikirayaan in ay qaataan si ay ugu socdaan jadwalkii hore ee tartamada ay maamulaan ee Champions League iyo Europa League.

UEFA ayaa joojisay kulamada Champions League iyo Europa League ee xiliyada soo socda la ciyaari lahaa, waxayna taasi keentay in laga fikiro qaabkii xili ciyaareedka loo soo gaabin lahaa.

UEFA ayaa doonaysa in ay badasho gabi ahaanba qaabkii loo ciyaari jiray kulamada Champions League ee martida iyo minanka ahaa, waxayna doonayaan in hal kulan oo kaliya lagu soo koobo marka la soo gaadho siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka.

Madaxda UEFA oo maalinta talaadada shir iskugu iman doona ayaa go’aano rasmi ah ka gaadhi doona xili ciyaareedka Champions League iyo Europa League balse waxay doonayaan in aan la badalin waqtiyadii loo qorsheeyay finalada Champions League iyo Europa League.

UEFA ayaa doonaysa in sidii hore loogu qorsheeyay uu finalka Champions League uu magaalada Istanbul ee dalka Turkey uu ka qabsoomi doono May 30,2020 halka ay ku adkaysanayaan in finalka Europa League isna lagu ciyaari doono Gdansk saddex maalmood ka hor finalka Champions League.

Si ay UEFA qorshahan u filiso waxay doonayaan in marka la sameeyo isku aadka siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka Champions Leauge ay kulamada ka dhigi doonaan kuwo hal is arag ah oo meesha laga saari doono marti iyo minankii ay caanka ku ahaayeen Champions League iyo Europa League.

Laakiin arinta ugu muhiimsan ayaa noqon doonta garoonka lagu ciyaari doono haddii min hal kulan laga dhigo wareegyada siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka Champions league iyo europa league.

Waxaa suurtogal noqon karta in garoon dhex dhexaad ah lagu ciyaaro haddii ay UEFA kaga dhabayso in hal kulan lagu soo koobo wareegyada siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka Europa League si cadaalad loogu sameeyo kooxaha laga joojinayo martida iyo mimankii si jadwalka xili ciyaareedku u noqdo mid sidii hore u socon kara.

Laakiin kulamada baaqiga ka ah wareegyada 16ka kooxood ee Champions League iyo Europa league ayaa sidii hore loo ciyaari doonaa iyada oo Manchester City soo dhawayn doonta Real Madrid halka Bayern Munich ay qaabili doonto Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sugayaa shirka UEFA ay ku balansan tahay maalinta talaadada soo socota markaas oo si rasmi ah loo ogaan doono sida uu noqon doono xaalka Champions League iyo Europa League si la mid ah Euro 2020 oo ay saamayn ku yeealn karaan.