Dawladda Soomaaliya Oo Mamnuucday Inay Dalka Soo Galaan Dadka Ka Imanaaya Afar Wadan

Muqdisho (Aftahannews)-Amar ka soo baxay hay’adda Duulista Rayidka ee dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu joojiyey inay Soomaaliya soo galaan dadka ka imanaaya wadamada Shiinaha, Iiraan, Talyaaniga iyo Koonfurta Kuuriya oo iskugu jira muwaadiniinta iyo ajaanibta u dhashay dalalkaas maadaama xanuunka Coronavirus uu si daran u haleelay wadamadaasi.

Dawladda Soomaaliya, ayaa amarkan ku sababeysay inay uga hor-tagayso faafitaanka xanuunka Coronavirus, waxaana ay diyaaradaha ka codsadeen in ciddii ay uga shakiyaan inay qabaan xanuunkaas ay uga soo sheegaan Raadaarka si loogga hor-tago isla mar ahaantaana loo mariyo qalabka caafimaadka ee lagu baadho dadka qaba xumadda cudurka Coronavirus.

Xanuunkan oo aad u fidaaya, ayaa laga helay dalalka jaarka la ah Soomaaliya ee Itoobiya iyo Kenya, waxaana ay Wasaaradda Caafimaadku ay dalka oo dhan ka wadaa olole laga hor-tagaayo xanuunkaasi iyaga oo mar walba Ganacsatada, Shacabka iyo Aduunka ba ka codsanaaya in wixii taageero ah la la soo garab istaago si loogga hor-tago xanuunkaasi.