Taxanaha #QayladhaanDumar Sheekada 2-aad

JOOJI TACADDIGA KA DHANKA AH HAWEENKA
JOOJI TACADDIGA KA DHANKA AH HAWEENKA

Waxa jira macallimiin caado ka dhigtay in ay derajooyin wanaagsan ku siiyaan hablaha kolba sida ay isu dhex galaan. Ardayad jaamacadeed ayaan ahaa, aniga oo in yar dhiganayayna reer ayaan yeeshay. Waan ogaa oo waan maqli jirey dhacdooyinka ay macallimiinta qaar kula kacaan hablaha ay wax u dhigaan, sidaas darteed waxa aan go’aansaday in aan dedaalo, ninna aanan u daba fadhiisan derajooyinkayga.

JOOJI TACADDIGA KA DHANKA AH HAWEENKA
JOOJI TACADDIGA KA DHANKA AH HAWEENKA

Arday naga dhoofaysay ayaannu xaflad u qabannay maalin. Waxa jooga ardaydii kalaaskayaga oo dhan. Waa la faraxsanaa, ardayduna weji furan ayay wada lahaayeen. Mar keli ah ayaan ku war helay farriinta uu ii soo diray. Waa macallinkaygii oo aannu xafladda wada joogno. ”Nuura, anigaa caawa ku sii qaadaya oo innagaa is raacayna.” Waxaan is idhi waa macallinkaagii oo ku ixtiraamaya. Waxaan u sheegay in ninkaygii ii taagan yahay oo aanu is dhibin. Wuxuu haddana ii soo qoray, “Maxaad ka soo kalliftay odayga, anaa ku qaadi lahaaye.” Waxaan ku idhi, “Malaha adiga ayaaba is kellifaya, waayo ninkaygu shaqadiisii ayuu haystaa.” Illaa hadda daacad ayaan u haystaa. Wuxuu igu yidhi, “Haddaad inan tahay iyo haddaad islaan tahayba miyaad baqanaysaa?” Waan fahmi waayay wuxuu u jeedo. Aniga oo u haysta inuu qaadista baabuurka ka hadlayo, ayuu sii raaciyay, “Inannimadaadii uur iyo waxaas inaad ka baqayso waan fahmi karaa, laakiin imika inaad ninkaaga u leedahay uun baa la moodi doonaa.” Naxdin iyo cadho isku darsamay ayaan la wareeray. Waa macallinkaygii, waa ninka aannu berri kalaaska isku arki doonno.

Hadal na ma dhex mari jirin intaa wixii ka dambaysay, kalaaskana waannu iskugu soo geli jirnay uun. Sidaas inuu igaga hadho ayaan rejaynayay, balse maya. Markii imtixiaankii la gaadhay ayuu derajaydii C ka dhigay. Isaga aniga oo aan la hadlin ayaan xafiiska tegay, waxaanan u sheegay in aanan ku qanacsanayn derajada la i siiyay. $5 ayaan bixiyay si loo baadho imtixaankaygii, isagana waa loo yeedhay, maamulkii oo fadhiya. Dib u sax, ayaa lagu yidhi. Derajadaydii saxda ahayd oo A ah ayuu i siiyay isaga oo halkii fadhiya. Maalintaas wixii ka dambaysay wuu iga hadhay, waxaanan ka qalinjebiyay Jaamacadda Hargeysa, aniga oo ka mid noqday saddexda qof ee ugu sarreeya kulliyaddayda.

Waxaan kula talinayaa hablaha jaamacadaha dhigta, haddii dhib noocan ahi ku yimaaddo, in ay maamulka jaamacadda la socodsiiyaan, oo aanay macalinna ka baryin xaqooda.

Xigasho Ismaaciil C Ubax Ismaaciil C Ubax