Wasaaradda Arrimaha Guduhu Maxay Ka Tidhi in Gabadh Shaqaale ah Nin Masuul ahi Tacaddi u geystay?

Hargeysa (Aftahannews)- Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa markii u horraysay ka hadashay Gabadh shaqaale ka ah wasaaraddaasi oo la sheegay in dhibaato iyo tacaddi fool-xun loogu dhex geystay xarunta wasaaradda, waxaanay ku doodeen inaanay dhicin in Masuul waaxeed wasaaraddooda ka tirsani gabadhaas ku sameeyey tacaddiga la baahiyey ee ay sheegtay in lagula kacay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo Guddoomiyaha hay”adda shaqaalaha oo si wada jir ah saxaafada ugula hadley xarunta wasaaradaasi ayaa sheegeen in baadhis ay sameeyeen ay uga soo baxeen in habayaraatee aanay waxba ka jirin dhibaatada la sheegay in Gabadhaasi uu u gaystay nin shaqaale ka ah wasaarada.

Siday uga hadleen Masuuliyiintani waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.