Madaxweyne Biixi oo Magacaabay Guddiga Ka Hor-tagga Xanuunka Corona-virus Coved-19

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Magacaabay Guddiga diyaar-garawga iyo ka hor-tagga cudurka sida xawliga ah dunida ugu baahaya ee Corona-virus Coved-19, kaas oo soo gaadhay dalalka Itoobiya iyo Kenya, iyadoo dalka Itoobiya Xuduud la leeyahay Somaliland, isla markaana ganacsiga ugu badan ee Qudaarta iyo Qaadku Somaliland uga yimaaddaan Itoobiya.

Wareegtada Madaxweyne Biixi ku magacaabay Guddigaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan.

Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus.” sidaa ayaa lagu yidhi Wareegtada Madaxweyne Biixi.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.