Orodyahannada 9 Dal oo Ka Soo Qaybgalay Hargeisa International Marathon 2020 & Hadalladii laga yidhi

Hargeysa(aftahannews):- Tartan Orodyahanno ka kala socda Sagaal Dal oo Dunida ah iyo Somaliland, ayaa Maanta ka furmay magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici iyo Masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Tartankan Orodka  ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, ayaa loogu Magac-daray Tartanka Orodka Caalamiga ah ee Hargeysa (Hargeisa International Marathon 2020), ayey ka soo qaybgaleen Orodyahanno ka socda sagaal waddan oo dunida ah, ayaa la ordayey Haaf Marathoon, 10 iyo 5-ta KM, iyadoo orodyahannu isugu jireen Wiil iyo Gabdho, ku kala ordayey saddexdaa qaybood ee tartanka loo qaybiyey, halka ay Gabdhuhu ordayeen 5KM.

Waxay orodyahanna oo Hargeysa dibeddeeda ka soo bilaabay orodka markii dambe isugu biyo-shubteen oo ahayd bartilmaameedka uu tartanku ku dhanyahay Garoonka Ciyaaraha ee Hargeysa Stadium ee gudaha caasimadda Somaliland, waxaana munaasibad halkaas lagu qabtay ee abaal-marinta ay ku kala guulaysteen lagu guddoonsiiyey xubnaha ugu horreeyey saddexda qaybood oo loo tartamayey.

Haddaba, Tartankaas Orodka ahi siduu u dhacay iyo hadallada ay Masuuliyiinta Madaxweyne Ku-xigeenku ugu horreeyaa Garoonka ka jeediyeen idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.