Isku-dhac Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Burco iyo Wasiirro ka Badbaaday

Burco(aftahannews):- Ugu yaraan hal qof, ayaa ku dhintay saddex, 4 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen rasaas ka dhacday garoonka Ciyaaraha Alamsay ee magaalada Burco oo ay Ciyaar Kubadda Cagta ahi laba Kooxood ku dhex-maraysay, iyagoo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Dhalinyarada iyo Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Isku Dhac Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo dhex-maray taageerayaasha iyo kooxaha ciyaarayey, ayaa galabta gabbal-dhicii ka dhacay garoonka Alamsay ee magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, iyadoo labada kooxood ka mid ahaayeen kooxaha ku ciyaarayey koob dhawaantanba ka socday garoonkaas oo kooxo badani ku tartamayeen.

Halka Qof ee dhintay, ayaa ah Askari ka tirsanaa Ciidammada Booliska Somaliland, halka ay saddexda Qof ee dhaawacmayna kala yihiin; Taliyaha Saldhigga Booliska Burco, Askari kale iyo laba Ruux oo Shacab ah.

Ciidammada Ammaanka, Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo midkoodna war faahfaahsan kama soo saarin illaa hadda dhacdadaas  ka dib markii ay iska horyimaaddeen Taageerayaasha laba Kooxood oo Tartan Kubadda Cagta ah wada ciyaarayey.

Hase-yeeshee, Wararka laga helayo Weriyeyaasha ku sugan magaalada Burco, ayaa intaas ku daray inaanay dhibaato ka soo gaadhin oo ay halkaas ka badbaadeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire iyo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire oo garoonka ku sugnaa xilliga waxani dhacayeen.

Haddaba, Muuqaalka Garoonka iyo sida loogu kala yaacay markii ay Rasaastu bilaabantay iyo xoonka isku dhaca, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.