Puntland: Siyaasiyiin dhaliilay habka loo maamulayo shirka Wadatashiga Puntland

Garoowe (Aftahannews)— Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa laba maalin kadib isugu imaandoona shirweynihii ugu horeeyay ee lagaga tashanayo masiirka maamulkaasi Puntland.

Shirkan oo la iclaamiyay bishii hore ayaa ka dambeeyay kadib markii Puntland ay sheegtay in dowladda federalka Soomaaliya ee hadda jirta ay ka leexatay dariiqii dowladnimada ee lagu heshiiyay, sidaas darteedna ay muhiim u tahay in ay wadatashi isugu timaado.

Siyaasiyiin iyo masuuliyiin xilal ka haya dowladda federalka Soomaaliya ayaa kusoo qulqulaya magaalada Garoowe oo uu shirka ka dhacayo, sidoo kale dad badan oo qurbe joog ah ayaa shirkan dibada uga yimid.

Balse, shirkan dareen ayaa ku xeeraan, dareenkaas oo ah Hadba sida loo maamulo, qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa qaba in guddiga qaban qaabadu uu shirka ku casuumay dad fikir ahaaan aaminsan in lasiii kala fogaado.

Siciid Faarax Maxamed (Siciid Sanweyne), oo ah siyaasi reer Puntland, guddoomiyana ka ah urur siyaasadeed lagu magacaabo UDAD, ayaa madaxweynaha Puntland ugu baaqay inuu eego danaha shacabka Puntland oo doonaya in xal laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu ugu baaqay in madaxweynuhu hormuud ka noqdo in dalkan ay ka dhacdo doorasho hal qof, hal cod.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka ururka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.