Dawladda Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigtay Hub Uga Soo Gudbay Jabuuti

Addis Ababa,(Warsugan)- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Ethiopia ee magacooda loo soo gaabiyo NISS ayaa war ay soo saartay shalay ku sheegtay inay soo qabqabatay shabakad isku xidhan oo ka shaqaysa tahriibinta hubka caalamiga ah oo mas’uul ka ah inay laba koontiinar oo hub sharci darro ah soo galinayay waddanka Itoobiya hubkaasi oo ay soo mariyeen waddanka Jabuuti.
Wargeyska caanka ah ee Addis Standard ee kasoo baxa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa cadadkiisii shalay waxa uu baahiyay warkan oo noqday kii loogu hadal haynta badnaa dalka Itoobiya kadib markii uu sheegay in Laamaha Sirdoonka Itoobiya ay soo qabqabteen koox hubka sharci darrada ah ka ganacsata oo hub dalkaasi Itoobiya soo galiyay kana soo gudbiyay dhinaca waddanka Jabuuti.


Wargeyska Addis Standard waxa uu sheegau in warbixin ay soo saareen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dalka Itoobiya ee NISS una gudbiyeen warbaahinta Dawladda ay ku sheegeen in rarka hubka sharci darrada ah oo dhammaa laba Koontiinar uu markii hore ka yimid Dekadda Mersin, ee dalka Turkiga halkaasina uga sii gudbay dalka Jabuuti, kadibna in muddo ah labadaasi dhexdooda loo hayay in ka badan shan bilood ka hor inta aan loo tahriibin dhinaca Itoobiya.
Qiyaastii 501 karaatoon oo hub ah oo ay ku jiraan in ka badan 18,000 oo xabbo oo ah baastoolado uu Turkigu farsameeyey qiimahoodana lagu sheegay in ka badan Nus Bilyan Lacagta Birta ah ee Itoobiya ayay ugu dambayn sirdoonka Itoobiya sidaa ku qabteen lana wareegeen.
Hubka ayaa lala wareegey iyada oo ay la socdaan shixnado kale oo dhan 229 Sanduuqyo ah oo ay ku jiraan Agab elektaroonig ah oo loogu talagalay in lagu daboolo si loogu qariyo Hubka uu Markabku siday, ayaa lagu yidhi bayaanka sirdoonku soo saaray, iyadoo ay intaasi raacisay in NISS ay ku jirtay daba-galka shabakaddan illaa iyo markii ay heshay ilo sirdoon oo gaar ah.
Hawl-galkeedii Maxalliga ahaa ee lagu joojinayay shixnaddan, Hay’adda NISS waxay sheegtay inay xidhay 24 qof oo looga shakisan yahay inay arrintan xidhiidho la lahaayeen isla markaana ay socdaan baadhitaanno kale oo dheeri ahi.
Marka laga soo tago hawlgalka sirdoonka Itoobiya, Bayaanka ka soo baxay hay’addan NISS ayaa lagu sheegay in ay iskaashi la sameynayaan hay’adaha sirdoonka ee Jabuuti, Suudaan, Liibiya, Turkiga iyo Mareykanka si loo xoojiyo daba-galka xubnaha ka tirsan shabakaddan tahriibinta hubka ee adduunka oo weli ah kuwo aad u ballaadhan. Illaa iyo hadda, toddoba qof oo ajnabi ah ayaa la aqoonsaday, laakiin kaliya laba tuhmane ah oo reer Suudaan ah ayaa ku jira gacanta bilayska ka dib markii ay iskaashi la sameeyeen sirdoonka Suudaan. Raadinta tuhmanayaasha hadhay ayaa wali socda iyadoo sirdoonnada dalalkaasina ay iska kaashanayaan sidii ay arrintan xog uga keeni lahaayeen.
Howl-galka laamaha sirdoonka iyo nabad sugidda Itoobiya, waxaa sidoo kale lagu qabtay iyada oo lala kaashanayo Booliska Federaalka, Komishanka Canshuuraha, Dadyow kasoo jeeda qawmiyadda Oromada iyo booliska gobolka Amxaarada iyo sidoo kale Guddiga Bilayska Addis Ababa. Intaa waxaa dheer, Hay’adda NISS waxay sheegtay in talooyinka bulshada iyo iskaashiga bulshada iyo xukuumaddu ay door muhiim ah ka qaateen joojinta shixnadaha noocan oo kale ah.