Wararkii U Dambeeyay Ee Xannuunka Coronovirus Ee Caalamka

Wuhan (Aftahannews)-Cudurka Coronovirus oo ka dilaacay dalka Shiinaha ayaa haatan ku faafay 100 wadan oo caalamka ah, Dalalka ugu daran ee cudurku aafeeyay waxaa ka mid ah Talyaaniga iyo wadanka Iiraan oo tirada dadka u dhimanaya ay aad u sii kordhayso

Talyaaniga

Dalka talyaaniga tirada dadka u dhintay cudurka coronovirus ayaa haatan dhaaftay 630 qof, halka dadka uu cudurka laga helay ee la karantiilay ay kor u dhaafeen 10 kun oo qof. 60 Milyan qof oo dalkaasi ku nool ayaa haatan Lagu amray inay guryahooda joogaan, iyadoo la joojiyay dhammaan isu socodkii iyo kulamadii dadweynaha.

Wadamada France, Spain, Germany, the UK, Denmark, Finland, Norway , Sweden ayaa la soo sheegaya tiro dad ah oo u dhintay Coronovirus

Iiraan.

24kii saac ee la soo dhaafay waxaa cudurk coronovirus u  geeriyooday  ilaa 63 qof taasi oo tirada dadka u dhintay cudurkaas dalka Iiraan ka dhigaysa 354 qof. Tirada dadka uu asiibay cudurku ayaa hadda gaadhay 9000 kun oo qof.

Dowladda Iiraan waay sheegtay  in dad gaadhaya 2,959 qof oo laga daaweeyay cudurka laga fasaxay cusbitaalada oo loo ogolaaday inay  guryahooda ku laabtaan.

Maraykanka

Tirada dadka u dhintay cudurka coronovirus dalka Maraykanka ayaa ah 31 qof, halka tirada dadka uu cudurka laga helay ay gaadhayaan 1000 qof

Kiisaska ugu Badan ee cudurka ayaa la xidhiidhay  shirka ka dhacay Hotel ku yaal magaalada Boston ee dalka Maraykanka. Ilaa 19 gobol ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah. magaalada New York ayaa la geeyay ciidanka ilaalada qaranka si loo xakameeyo faafiska cudurkaan oo argagax ku abuuray dhamaan caalamnka.

Qaarada Afrika

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka coronovirus ee qaarada Afrika ayaa gaadhay 102 qof, waxaana uu u geeriyooday hal qof oo jaliya Sida ay xaqiijisay Hay’ada ka hortega iyo xakamaynta cudurada faafa ee qaarada Afrika ee CDC.

Kiisaska cudurka ah ayaa laga soo sheegay wadamada 10 wadan oo kala ah Algeria, Burkina Faso, Cameroon, Egypt, Morocco, Nigeria, Senegal, South Africa, Togo iyo Tunisia.

Guud ahaa caalamka waxaa cudurkan u dhintay ilaa 4300 (Afar  kun iyo Saddex Boqol ) oo qof oo badankoodu yihiin dad u dhashay wadanka Shiinaha oo ahayd halkii uu ka dilaacay cudurku markii hore, cudurka ayaa ku dhacay ilaa 118 kun oo qof.

China.  Tirada Dhimashada 3,158

Italy Tirada Dhimashada  631

Iiraan Tirada dhimashada 354

South Korea tirada Dhimashada 66

Spain Tirada dhimashada 49

France Tirada dhimashada 33

USA tirada dhimashada 31