Xubno reer Awdal ah oo uu horkacayo Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo dalab xaasaasi ah oo la xidhiidha maamulka degmada Wajaale hordhigay Wasiir Maxamed Kaahin

Hargeysa (Aftahannews)- Xubno ka soo jeeda gobolka Awdal oo uu horkacayo wasiirka Ganacsiga Somaliland, gudoomiyaha jaamacada Camuud iyo xildhibaan dhawaan ka mid noqday golaha Wakiilada ayaa maanta kulan la yeeshay wasiirka arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Wararka laga helayo kulan ay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland ay la yeesheen xubnahaasi uu horkacayo wasiirka Ganacsigu ee ay ka midka yihiin gudoomiyaha jaamacada Camuud Saleeban Cabdi Guleed iyo xildhibaan Xasan Xuseen Codyare ayaa sheegay in ujeedadiisu ahayd dalab ay xubnaha reer Awdal ay wasiir Maxamed Kaahin ula tageen uu ahaa in xukuumadu siiso saamigii ay ku leeyihiin ka  beel ahaan maamulka degmada Tog Wajaale.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa la sheegay in uu ka gaws adaygay dalabkaasi ay xubnahani ka codsadeen, isagoona u sheegay in ay reer Awdal ahaan wax xil ah ka helayn maamulka degmada Tog Wajaale, waxaanu arintaasi ku sabobeeyay in degmada Wajaale ay la mid tahay degmada Dilla islamarkaana xilalkeeda loo magacaabayo hadba beelaha deegaanka wada dega.

Dhanka kale xubanahan ku hadlayay afka gobolka Awdal ayaa ku dooday in ay beel ahaan degan yihiin magaalada Wajaale iyo deegaanada ku xeeran sidaa darteedna ay doonayaan in uu wasiirku siiyo xilka xoghayaha degmada Tog Wajaale ama gudoomiye ku xigeenka, balse wasiir Maxamed Kaahin uu ka diiday dalabkaasi wasiirka Ganacsiga iyo aqoonyahanka reer Awdal  ula tageen.

Kulankaasi ayaa ugu dambayntii ku soo dhamaaday mid natiijo la’aan ah iyo  waji gabax ay xubnahaasi kala kulmeen wasiir Maxamed Kaahin.

Hadaba Damaca siyaasiyiinta iyo aqoonyahan reer Awdal ee doonista xilalka ugu sareeya maamulka  degmada Tog Wajaale ayaa noqotay mid ay bulshada gobolka Gabiley gaar ahaan magaalada Tog Wajaale ay si wayn u hadal hayaan, iyadoo doodadaha shacabka ee la xidhiidha arintani noqotay  mid ay iswaydiino badan abuurtay ayna ka dhasheen  su’aalo kala duwan oo la xidhiidha damaca siyaasiyiinta reer Awdal iyo waxyaabaha keenay in xiligan ay ku raadinayaan saami beelaysan ee magaalada Wajaale xili deegaanada ay beelaha reer Awdal degaan ee ku dhow dhow degmada Wajaale ay cashuurta beerahooda ku bixiyaan degmada Dilla, tusaale ahaan deegaanka Garba-haaray oo sedex killo mitir u jirta Wajaale ay reer ahaan cashuurta ugu bixiyaan degmada Dilla oo masaafo fog u jirta halka deegaanka Magaalo Cadna ay sidan oo kale cashuurta ku waajibtay reer ahaan Awdal ula doontaan.

Kulankan xubnaha reer Awdal la yeesheen wasiir Maxamed Kaahin oo qaatay sacaado dheer ayaanay labada dhinacna kasoo bixin wax faah faahin ah.

Si kastaba ha ka ahaatee doonista siyaasiyiinta reer Awdal ee maamulka Wajaale ayaa umuuqda  damac iyo dhul balaadhsi raadin oo ay hormuud ka yihiin Wasiir Saajin iyo Prof: Saleebaan Cabdi Guuleed, kaasi oo  u muuqda mid abuuri karta khilaaf hor leh oo si deegaanaysan iskaga hor keeni kara beelaha walaalaha ee gobolada Gabiley iyo Awdal oo hore ay u dhexmareen xurgufo deegaan kuwaasi oo  ay bulshada ku kala fogeeyeen siyaasiyiin dano gaara ka lahaa, halka wakhtigana ay dhaq dhaqaaqa xubnahaasi wadaan uu u eeg yahay mid bulshada xiisad siyasadeed ka dhex abuuri kara.

Waxyaabaha xusida mudan ee sida gaarka ah bulshada degmada Wajaale isku waydiinayso tan iyo intii uu soo ifbaxay kulankani ayaa ah sabobta gudoomiyaha jaamacada Camuud uga dhex muuqdo xiisadan iyo xidhiidhka ka dhexeeya dhaq dhaqaaqyada Camuud foundation ka fuliyaan deegaano Gabiley hoos yimaada oo wakhtigan abuuray dareeno kala duwan oo salka ku haya dhul balaadhsi.

Sidoo kale, xildhibaan Xasan Xuseen Codyare ayaa Jabhadii lagaga dhawaaqay dhawaan degmada Dila uu Walaalkii hurmuud ka ahaa, iyadoona maalintii ay jabhada shaaciyeen ay sheegeen in ay raadinayaan saamigii ay ku lahaayeen mashruuca banka Wajaale iyo maamulkeeda taasi oo iyana noqotay in xildhibaanku isna fulinayo doonista jabhadii Cawaale.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.