Kooxda Liverpool Oo Laga Cidhibtiray Champions League

Kooxdii difaacaneysay Champions League ee Liverpool ayaa laga cidhib-tiray Champions League ka dib markii 3-2 lagu garaacay gurigooda Anfioeld taasoo la micno in Atletico ay ku soo baxday guu;l 4-2 ah labadii lugood ee wareega 16la.

Gool uu dhaliyay Wijnaldum ayaa barbaro ka dhigay natiijo wadareedka taasoo keentay in 90 daqiiqo dheeri ah lagu daro. Firmino ayaa u muuqday mid Liverpool u soo saaraya wareega 8da Champions League laakiin goolkiisa waxaa labo gool uga jawaabay Marcos Llorente oo bedel ku soo galay ciyaarta, iyadoo Morata oo isna bedel ku soo galay uu quusiyay Reds.

Goolhayaha Atletico Madrid ayaa lafdhuun gashay ku noqday Liverpool isagoo ka badbaadiyay 120kii daqiiqo ee ciyaarto fursado aad u badan halka dhigiisa Adrian uu sabab u ahaa goolashii laga dhaliyay Reds.

Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh iyagoo durbadiiba ku qasbay in 11ka xiddig ee Atletico Madrid ay kubada ka gadaal maraan iyagoo difaac xidhay.

Goolhaye Jan Oblak ayaa inta badan qeybtii hore la ciyaaray Liverpool isagoo ka badbaadiyay fursado badan oo goolol loo fishay, laakiin waxay taasi isbedeshay daqiiqadii 44aad markii ay Liverpool ugu danbeyn shabaqa soo taabatay.Alex Oxlade-Chamberlain ayaa kubad karoos aheyd garabka ka soo qaaday iyadoo Winjaldum uu u kacay islamarkaana uu kubada dhulka ugu garaacay goolhaye Oblak oo awoodi waayay inuu bixiyo.

Markii uu goolka dhashay waxaa hal mar sarre u kacay sawaxanka garoonka Anfield iyadoo neef weyni ay ka soo fuqday jamaahiirta kooxda Reds.Wijnaldum oo takhasus ku noqday goolasha Champions League ayaa shantii gool ee uu ka dhaliyay tartankaan wuxuu afar ka mid ah ka dhaliyay wareegyada ka danbeeya wareega group-ka.Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay Liverpool oo ciyaarta 1-0 ku hogaamineysa.

 

Shantii daqiiqo ee ugu horeysay ee qeybta labaad goolhaye Oblak ayaa badbaadintiisa halkaas ka sii waday isago labo fursadood oo waa weyn ka beeniyay Mohamed Salah iyo Sadio Mane. Halka uu daqiiqadii 53aad kubad meel dheer ah uu soo tuuray Oxlade-Chamberlain uu bixiyay.

Daqiiqadii 55aad tababare Simeone ayaa bedelay Diego Costa oo lagu bedelay xiddiga khadka dhexe Marcos Llorente laakiin weeraryahanka reer Spain ayaa si aad ah uga careysnaa bedelkii lagu sameeyay.Daqiiqadii 60aad goolhaye Oblak ayaa fursad kale ka badbaadiyay Firmino halka Adrian uu iska labo badbaadin oo isku xigta uu sameeyay daqiiqadii ku xigtay.Daqiiqadii 66aad Liverpool ayaa ku dhawaatay inay hesho goolkii labaad markii kubad weerar ah oo ay soo qaadeen uu goolka ku tuuray Mohamed Salah waxaa badbaadiyay goolhaye Oblak, waxaa madax kula celiyay Robertson oo birta garaacay.Liverpool ayaa sameyneysay wax walba oo awoodooda ah iyadoo Oblak uu kubad halis aheyd ka bixiyay Alexander-Arnold ka hor inta aan Robertson isna laga badbaadinin kubadii ku celiska aheyd.Daqiiqadii 85aad Liverpool ayaa heshay fursado kale oo gooldhalin ah iyadoo Oblak uu si cajiib ah kubad uga badbaadiyay Wijnaldum ka hor inta uusan Mane kubad qalaama rogaal ah dulmarinin goolka.

Dhamaadkii ciyaarta Atletico ayaa mooday inay dhaliyeen goolkii ay ku soo baxayeen laakiin waxaa loo diiday inuu offside ahaa iyadoo 90kii daqiiqo ay ciyaarta ku dhamaatay 1-0 oo ay Liverpool hogaanka ku heysay taasoo ka dhigneyd in la isla aaday 30 daqiiqo oo dheeri ah madaama Atletico ay 1-0 ku soo badisay kulankii Madrid.Daqiiqadii 4aad ee 30kii daqiiqo ee dheeriga ah ee lagu daray Liverpool waxaa hogaanka u dhiibay Roberto Firmino kaasoo kubadiisa madaxa aheyd ay ku dhacday birta ka hor inta uusan shabaqa ku taabanin kubadii soo laabatay.Waxay aheyd goolkiisii ugu horeysay ee uu ku dhaliyo garoonka kooxdiisa ee Anfield xilli ciyaareedkan.Laakiin dalaabdegii  Liverpool waxaa daqiiqadii 97aad aamusiyay Marcos Llorente kaasoo shabaqa ka soo toogtay banaanka xerada goolka iyadoo goolhaye Adrian uu awoodi waayay inuu bixiyo isagoo qalad weyn ku lahaa goolkaan.

Alvaro Morata ayaa dhamaadkii 30ka daqiiqo waxa uu dhaliyay goolka seddexaad iyadoo Atletico Madrid ay 3-2 ku garaacday Liverpool kulankii Anfield halka ay wadar ahaan ku soo baxeen 4-2 madaama ay sidoo kale 1-0 ku soo badiyeen lugtii hore ee Madrid.