Champions League: Kooxda PSG Oo Gurigeeda Ku Dubatay Broussia

Paris Saint-Germain ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Broussia Dortmund oo marti ugu aheyd garoonka Parc des Princes oo albaabada loo xidhay madaama laga baqayo faafida caabuqa Coronavirus.

Dortmund ayaa 2-1 ku soo badisay lugtii hore ee Jarmalka ka dhacday laakiin PSG ayaa uga jawaab celisay natiijo 2-0 ah taasoo ka dhigay inay wadar ahaan 3-2 ku badiyeen una soo gudbeen wareega sideed dhamaadka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2016kii.

Daqiiqadii 28aad ayay PSG hogaanka ciyaarta la wareegtay markii uu Neymar madax ku dhaliyay koorno uu soo qaaday xiddiga reer Argentina Angel di Maria.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 35aad ee Neymar uu ka dhaliyo Champions League isagoo u dabaaldegay sida uu u dabaaldego xiddiga Dortmund Erling Haaland.

Ka hor intii aan la gaadhin dhamaadkii qeybta hore ayay PSG dhaliyeen goolkoodii labaad ee ciyaarta markii uu daqiiqadii 45aad shabaqa u soo taabtay Juan Bernat, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay kooxda Faransiiska ku hogaamineysay.

BorussiA Dortmund ayaa cadaadis saartay qeybtii labaad kooxda Paris Saint-Germain laakiin waa ay haleeli waayeen inay shabaqa soo taabtaan.