Loolanka Saliidda Ee Ruushka Iyo Sucuudiga Oo Galay Xiisad Kulul

Hargeysa, (Aftahannews)-Waxaaa sii xoogaystay oo meel sare gaadhay dagaalka dhanka Saliidda ee u dhaxeeyo Dowladaha Sucuudiga iyo Ruushka, kadib tallaabo cusub oo ay ku dhowaaqday dowladda Sucuudiga.

Shirkadda shidaalka Sucuudi Carabiya ee Saudi Aramco ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay wax soo saarkeeda saliid caydhiin ay kordhiso hal milyan oo barmiil maalinkiiba, xilli uu xoogeystay dagaalka shidaalka ee u dhaxeeya Sucuudiga iyo Russia.

“Saudi Aramco waxay ku dhowaaqeysaa inay amar ka heshay wasaaradda tamarta si ay sare ugu qaado wax soo saarkeeda saliida oo hadda ah 12 milyan oo barmiil maalinkii, islamarkaana gaadhsiiso 13 milyan,” ayey shirkadda ku tidhi bayaan ay u dirtay Suuqa Kala Iibsiga Saamiyada ee Sucuudiga.

Tallaabada Sucuudiga ayaa timi kadib markii uu burburay heshiis u dhaxeeyey dalalka ku jira ururka OPEC iyo kuwa aan ka midka ahayn, oo Russia ay qeyb ka tahay.

Sucuudiga ayaa markii hore soo jeediyey in la dhimo wax soo saarka saliidda 1.5 milyan oo barmiil maalinkiiba, si loola tacaalo dhaqaale xumada ka dhalatay cudurka Coronavirus oo yareeyey dalabkii saliida cayriin ee caalamka. Hase yeeshee waxaa taas diiday Russia.

Dhowr sanno ka hor, boqortooyada Sucuudiga ayaa meesha ka saartay qorshe ay wax soo saarkeeda saliida caydhiin uga badin lahayd 12 milyan oo barmiil maalinkiiba kadib markii hoos u dhac uu ku yimi dalabka saliida dalalka OPEC oo tartan xooggan kala kulmay shirkadaha Mareykanka ee soo saara shidaalka laga sameeyo dhagaxa.

Russia, oo ah dalka labaad ee dhoofiya saliidda ugu badan caalamka, ayaa Talaadadii sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u cusbooneysiiso wada-shaqeyntii dalalka OPEC, inkasta oo uu Sucuudiga kasii daray dagaalka kuna dhowaaqay inuu suuqyada caamalka kusoo farqi doobno shidaal badan.

Isku dhaca Sucuudi Carabiya iyo Russia ayaa 25% hoos u dhimay qiimaha shidaalka caalamka, taasi oo horseeday in guud ahaan suuqyada saamiyada caalamka ay qiimo dhacaan.