Paraguay: “Ronaldinho Wuu La Soo Qabsanayaa Nolosha Jeelka….”

Hargeysa, (Aftahannews)-Halyeyga reer Brazil ee Ronaldinho Gaucho ayaa loo taxaabay xabsi ku yaalla waddanka Paraguay kaddib markii uu baasaboor been abuur ah si sharci darro ah uug galay dalkaas, waxaana uu si fiican ula soo qabsanayaa nolosha cusub ee uga bilaabantay jeelka, sida uu sheegay taliyaha xabsiga uu laacibkani ku xidhan yahay.

Ronaldinho iyo Walaalkii Roberto ayaa jeelka loo gudbiyey maalmo saldhig boolis lagu hayey kaddib, laakiin qaranka u doodaya ayaa waxa uu sheegay inuu rajaynayo in si degdeg ah looga soo saari doono jeelka, looguna beddeli doono ‘Xabsi guri’.

Blas Vera oo ah taliyaha xabsiga uu Ronaldinho ku xidhan yahay oo Isniintii shalay u warramay wakaaladda wararka Reuters, waxa uu sheegay in xiddiga hore ee reer Brazil uu lasoo qabsanayo nolosha cusub ee jeelka, dhoolla-caddayna ka muuqato wajigiisa si la mid ah marka uu kasoo muuqdo telefishanada“Muuqaal ahaan, wuu fiican yahay, niyad wanaagsan ayaanan ka arkayaa, wuxuu u egyahay sida marka uu telefishanada kasoo muuqdo, waanu dhoola-caddaynayaa mar walba.” Ayuu yidhi Blas Vera.

Vera waxa kale oo uu Wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Ronaldinho iyo walaalkii Roberto Assis loo soo gudbiyey jeelkiisa maalintii Jimcihii kaddib markii Salaasadii toddobaadkii hore lagu qabtay baasaboor been abuur ah, waxaanu xusay inuu laacibkan 39 jirka ah iyo walaalkiiba u diyaariyey sariiro ay ku seexdaan, telefishan ay daawadaan iyo sidoo kale meel ay taageereyaashooda ka arki karaan oo ku taalla caasimadda Paraguay ee Asuncion.

Jeelka ay ku xidhan yihiin, waxa kale oo lagu siiyey qol ay ku maydhan karaan iyo xuquuq ay dhaqdhaqaaq ku samayn karaan illaa albaabka hore ee laga baxayo, waxaana cuntadooda bannaanka uga keena qareennadiisa maadaama aanay jeelka ka helin.