Maxaa Sababa In Madaxda Dunnidu Isu-Dhajiso Xukunka Dalka?

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu isbuucan sheegay inuu taageeri doono sharci u oggolaan doona inuu laba jeer oo kale u soo istaago xilka madaxweynaha, arrintaasoo ah mid uu mamnuucayo dastuurka u yaalla dalka Ruushka. Putin wuxuu ugu dambeeyaa liis hoggaamiyeyaal ah oo muddo dheer xilalka soo hayay, laga soo billaabo Algeria ilaa Zimbabwe, dhammaantoodna waxay aad u jeclaayeen kursiga madaxtinnimada.

Sidaas darteed maxay tahay sababta u macaaneyneysa madaxda inay isku dhajiyaan kursiga – ama ay xitaa u jabiyaan – sharciyada u yaalla dalalkooda, si ay xukunka ugu sii nagaadaan?”Jawaabta ugu sahlan waa musuqmaasuq, waxay sameyn karaan lacag badan, waxayna kursiga isugu nabayaan si ay taajiriin u ahaadaan”, ayuu yidhi Barfasoor Nic Cheeseman, oo wax ka qoray buuggii lagu magacaabay “Sida loogu shubto Doorashada”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Laakiin run ahaantii, waxaa jira waxyaabo kale oo aan si fudud lagu fahmi karin oo arrintaas ku gadaaman”.

Sida uu Barfasoorkan sheegay, waxa ay hoggaamiyeyaashu ka baqaan, oo lacagta xitaa uga daran, waa in dacwado lagu soo oogo marka ay xilka ka dagaan. Waana gartood inay cabsadaan.

Cilmi-baadhista buuggiisa lagu soo bandhigay ayaa lagu sheegay in muddadii u dhaxeysay 1960-kii ilaa 2010-kii ay qaaradda Afrika hoggaamiyeyaasheeda 43% dacwado wajaheen kaddib markii ay xukunka ka dageen, iyagoo qaarkood dibad joog laga dhigay qaarkoodna la dilay.