Hooyo Heshay Wiilkeedda Oo Ka Maqnaa Muddo 15 Sanno Ah

Hargeysa, (Aftahannews)-Hooyo u dhalatay dalka Indonesia oo lagu magacaabo Hana ayaa muddo kadib waxay kulmeen wiil ay dhashay oo ay kala maqnaayeen 15 sanno.

Hooyadan iyo wiilkeedda oo lagu magacaabo Iwan ayaa kala lumay sanadkii 2005, xilligaas oo wiilka uu ix jir ahaa, waxaana ka geeyay dagaallo ka dhacay dalkaasi.

Iwan iyo aabihii ayaa waxay u qaxeen dalka Malaysia, waxayna sheekada Iwan soo shaac baxday, kadib markii uu ka soo muuqday warbixin ay BBC-da ka diyaarisay dadka soogalootiga ah ee ku nool dalka Malaysia balse kasoo jeeda Indonesia.

Iwan wuxuu dalkaasi uga shaqeynayay qaab soogalootinnimo ah, isaga iyo aabihii-na ma aysan awoodin in ay dib ugu laabtaan dalka Indonesia, maadaama aysan heysan baasabooradda ay ku safri lahaayeen.

“Aad ayay ii dhibeysaa in aan garaneyn halka ay ku sugan tahay hooyadey , dukumenti aan dib ugu laabto dalkeyga ma heysto, waxaana doonayaa in aan mar uun arko hooyadey,” ayuu yidhi Iwan oo xilligaas la hadlayay BBC laanta Indonesia.

Iwan wuxuu xilligaas BBC-da la wadaagay sawirrada xilligii uu yaraa, kuwaasoo qeyb ka noqday warbixintii ay baahisay laanta la hadasha Indonesia.