Ardaydii Barnaamijka Shaqo Qaran oo u anbobaxay xerada tabobarka ciidanka ee Dararwayne

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa maanta magaalada Hargeysasi rasmi ah uga ambabaxay dufcadii 2aad ee Ardaydaydii ku guuleysatay barnaamijka Shaqo Qaran.

Ardaydan ka qayb qaadanaysa barnaamijka Shaqo Qaranka ayaa mudo Sadex Bilood ah waxaa ay tobobar ku soo qaadan doonaan xarunta tobobarada Ciidamada ee magaalada Darar-weyne.

Ardaydan barnaamijka shaqo qaran ee tobobarka ugu baxay magaalada Darar-weyne ayaa waxaa ay tiradoodu ahayd 147 Arday.

Intii aanay Ardaydaasi ka ambabixin magaalada Hargeysa ayaa waxaa garoonka kubada Cagta ee magaalada Hargeysa kula hadley Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed, isagoona Ardaydaasi u jeediyay kalmado isugu jira dhiiri gelin iyo dardaaran.

Sidoo kale, Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex ayaa sheegay in siyaasiyiin ku fahilmay siyaasada Somaliland oo dalkooda joogi kari waayay dhalinyarada reer Somaliland ay uga gacan haadinayaan Xamar.

Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex ayaa waxaa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta Soomaaliya ay ka xun yihiin islamarkaana ay ka naxayaan barnaamijka Shaqo Qaran iyo horumarka balaadhan ee ay ku talaabsatay Somaliland.

 

Hoos ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.