Wasiirka caafimaadka dalka Ingiriiska oo laga helay xanuunka Coronavirus

London (Aftahannews)-Wasiirka caafimaadka Dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, iyadoo noqonaysa Xildhibaankii ugu horreeyay ee uu cudurkaasi ku dhaco.

Mss Nadine Dorries, ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay Hooyadeed oo 84 sano jir ah, haatanna qufaceyso, iyadoo qaadday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagula taliyay, Gurigeedana ay isku karantiishay.

Hay’adda caafimaadka ee England ayaa haatan billowday inay raadiyaan dadkii ay la macaamiishay ama ay la kulantay iyo shaqaalihii ka shaqeynayay wasaaradda caafimaadka ee ay madaxda ka tahay.

Nadine Dorries, ayaa khamiistii lasoo dhaafay laga helay astaamaha xanuunka, xilligaas oo ay booqatay Aqalka looga arrimiyo dalka Ingiriiska ee Downing Street, waxaana halkaas ay kula kulantay Ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.