Magacyada Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha 4-aad ee Kulmiye iyo Xilliga la Qabanayo oo la Shaaciyey

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbiga Talada Somaliland haya, ayaa Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha 4-aad ee Xisbigaas oo loo muddeeyey in la qabto Bisha Juun ee sannadkan 2020-ka.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Xarunta Xisbigaas ee Hargeysa, ayaa shaaciyey Magacyada Guddiga qaban-qaabadaha Shirweynaha Xisbiga oo uu sheegay in la qabanayo bisha June ee 2020-ka.

Xubnaha Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha 4-aad ee Kulmiye oo tiradoodu tahay 14, ayuu Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad sheegay inay ansixiyeen Guddiga fulinta ee Xisbiga Kulmiye oo shir ka yeeshay qabashada iyo diyaarinta hawlaha Shirweynaha.

Axmed Cabdi Dheere oo Faahfaahinaya, isla markaana shaacinaya Magacyada Guddigaas, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.