Faysal Cali Waraabe oo Puntland Weeraray iyo Sababta Keentay

FAYSAL CALI WARAABE GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO PUNTLAND WEERARAY 2020
FAYSAL CALI WARAABE GUDDOOMIYAHA XISBIGA UCID OO PUNTLAND WEERARAY 2020

Hargaysa(Hargeysa):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Maamul-goboleedka Puntland aanu maamul ahayn, balse yahay Reer Dowlad iska dhigaya.

Faysal Cali Waraabe oo la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa Sheegay in Puntland tahay reer dawlad iska dhigaya, waxaana uu usoo jeediyay Warbaahinta ka hawl gasha dalka in aanay buunbuunin Maamulka Puntland ee Soomaaliya.

“Puntland waa reer dawlad iska dhigaya waxaana fidmo ula yimaadaan dadka Somaliland ee dagan bariga Gobolka Sanaag iyaga ayaanay ku noqon doonta,Xoogna iskama keen celin karaan Siyaasadna iskama keen celin karaan Puntland Saxaafadu in ay buunbuuniso maaha waana reer yar oo Maxamuud Saleebaan oo Dawlad iska dhigaya. dadka bariga Sanaag ee Somaliland waxa aan u Sheegayaa in fidmo uun Putnland galinayso markaa waa in iska celiyaan,waxaana aan leeyahay tuuliyoonkiina ayaa magaalooyin noqdee ha iska burburinina,

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe waxa uu Walaac ka muujiyay isticmaalka Qaadka.waxaana uu yidhi; “Waxa ina hoos mariyay dadkii oo dhan qaadka ee 24 Saacadood la cunayo dadkii buulasha ku jiri jiray markaa waa in qaadka la joojiyo Cilaajka hadaad tagtid waxa keenay Qaadka.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.