Midawga Yurub iyo Xarunta Dhaqanka oo Iska Kaashanaya Badqabka iyo ilaalinta Aataarta Qadiimka Laasgeel

EU AND HARGEISA CULTURAL CENTER KEEPIN WITH THE LASGEL 2020
EU AND HARGEISA CULTURAL CENTER KEEPIN WITH THE LASGEL 2020

Hargeysa(aftahannews):- Midowga Yurub ayaa shaaciyey mashruuc uu ku maalgelinayo Goobaha Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel oo masaafo 47km dhinaca Bariga kaga beegan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Midawga Yurub iyo Xarunta Dhaqanka oo Shaaciyey Mashruuc lagu ilaalinayo Taariikhda Laasgeel 2020
Midawga Yurub iyo Xarunta Dhaqanka oo Shaaciyey Mashruuc lagu ilaalinayo Taariikhda Laasgeel 2020
LAASGEEL MIDAWGA YURUB IYO XARUNTA DHAQANKA HARGEYSA IYO MADAXDA SOMALILAND 2020
LAASGEEL MIDAWGA YURUB IYO XARUNTA DHAQANKA HARGEYSA IYO MADAXDA SOMALILAND 2020

Mashruuca oo loogu talo-galay sidii loo xoojin lahaa Ilaalinta iyo bad-qabka Godadka ay Aataarta Qadiimiga ahi ku duugan tahay ee Laasgeel, ayaa socon doona muddo 12 bilood ah, waxaana fulinaya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo kaashanaysa wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

War-saxaafadeed lagu faahfaahiyey mashruucan oo ka soo baxay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa maanta, ayaa u qornaa sidan:-

“Midowga Yurub wuxuu ku dhawaaqay taageeradii ugu horeysay ee caalami ah oo ku saabsan ilaalinta iyo dhawrista Godadka ay ku duugan yihiin Aataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel oo taala duleedka Bari ee magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Waxa Godadka ku yaalla qaar ka mid ah sawir-gacameedyada Dadkii hore ee ku noolaan jiray Geeska Afrika. Farshaxanka oo lagu qiyaasay inuu jiro 5,000 ilaa 7,000 sanno isla markaana ay daah-fureen Khubaro ku-xeel-dheer Cilmiga Aataarta Qadiimiga ah oo u dhashay dalka Faransiiska sannadkii 2002-dii, waxa loo aqoonsaday inay ka mid yihiin goobaha aataarta Qadiimiga ah ee ugu faca weyn mandaqadda Geeska Afrika, taas oo sababta lagu siiyey derajadaas lagu sheegay inay tahay tirada iyo tayada sare ee farshaxannada ku samaysan Dhagxaanta iyo Sallaxyada iyo sidoo kale asalnimada waxyaabaha ay sawirradu shabbahaan oo Lo’da iyo Calaamado kale ka mid yihiin.

Taageerada Midowga Yurub waxay ku soo beegmaysaa waqti muhiim ah oo baahi loo qabo kor-u-qaadista siyaabaha kala duwan ee loo ilaalin karo iyo xirfadaha lagu dhawri karo Goobta. Barnaamijkan cusub oo soconaya muddo 12 bilood oo ay hirgalinayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo Kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, waxa uu ku saabsan yahay kobcinta awoodda maamul ee goobta, in Xayn-daab lagu wareejinayo goobta oo dhan, in laga jaro daaqsinka iyo dhirta iyo ugu dambayn dhisidda jidad loo maro goobaha dalxiiska.” Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Sida war-saxaafadeedkan lagu sheegay, waxa muhiimadda mashruucan ka hadlay Safiirka Midowga Yurub, Nicolás Berlanga oo sababta ugu weyn ee midowga Yurub maalgelinta ugu samaynayo ku sheegay mid lagu dhiirri-gelinayo fahamka ilaalinta taariikhdii iyo Qiimaha ay leedahay, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa; “Ilaalinta Laasgeel waa dhawrista qeyb ka mid ah Hiddaha innaga wada-dhexeeya. Hidduhu waa dhaqan iyo sidoo kale daaqad lagu kobciyo is-fahamka ka dhexeeya dadka iyo bulshooyinka. Sidoo kale, Dhaqanku waa il laga helo dakhli iyo dariiq ay ku hawlgalaan loo jeexo jiilka da’da yar si ay u badbaadiyaan taariikhdooda. Midowga Yurub wuxuu barnaamijkan uga gol-leeyahay inuu sameeyo biriishyo isku xidhaya jiilalkii hore iyo muwaadiniinta Somaliland iyo bulshooyinka kala duwan ee calaamka”, sidaas ayuu yidhi Danjire Nicolás Berlanga.

Agaasimaha Maamulka ee Redsea Cultural Foundation, Dr. Jama Musse Jama oo isaguna mashruuca iyo muhiimadda iftiimiyey, ayaa yidhi, “Mashruucan waxa laga rajaynayaa inuu hormood u noqdo Waxqabadyo dadweynaha u dhexeeya oo si joogta ah loo qaban doono. Waa mashruuc kor u qaadaya fekerka Caafimaadka qaba oo noqonaya halka aan rabno inaanu kala shaqayno dhalinyarada si ay u bartaan taariikhda iyo hidaha dalkooda, uguna dhiirradaan ilaalinta Goobtan dhaxalka u ah Hiddaha adduunka”.

Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad oo isagu mas’uul ka ah shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha ee goobbahan oo kale ayaa yidhi; “Hadda waxaan ku dadaalnaa wixii ugu wanaagsan ee aan haysanno, laakiin baahi weyn ayaa loo qabaa dhisidda kartida labada. bulshada maxalliga ah iyo wasaaraddu si ay dadku u fahmaan qiimaha iyo muhiimadda ay u leedahay ilaalinta hantida qaranka ee Somaliland iyo adduunka intiisa kale.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa bishii Afraad ee Sannadkii 2019-kii booqday goobta Aasaarta qadiimiga ahi ku duugan tahay ee Laasgeel, isagoo indho-indhayn uu xaaladda goobaha ugu kuur-galay kaddib halkaas xadhigga kaga jiray dayac-tir lagu sameeyey iyo Ceelal-biyood oo laga hirgeliyey goobaha Ataarta Qadiimiga ah ee Laasgeel.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.