Xukuumadda Somaliland Maxay Ka Tidhi Hoos U Dhaca Sicir-bararka?

Hargeysa-(Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadasshay isbedelka ku yimi sarifka lacagaha shillinka iyo doolarka , waxaanay sheegtay in ay kot u qaaday qiimaha lacagta waddanka si ay bulshada qiimaha kowaad u siiso shillinka Somaliland .

Guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi ayaa caddeeyey guusha laga gaadhay hoos udhaca doolarka iyo kor u kaca shilinka Somaliland ay tahay siyaasad guud oo ay dawladdu dejisay.

Guddoomiye Baqdaadi waxa uu xusay in arrinta kor u kaca shillinka Somaliland ay keentay inuu hoos u dhaco Sicir bararka oo samayn xun ku haya noloshada bulshada gaar ahaan danyarta .

Cali Ibraahim Baqdaadi  oo ka hadlaayey kulan dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , Muuse Biixi Cabdi iyo Sariflayaasha dalka Ayaan sheegay in bangigu yahay farsmo balse siyaasadda ay leedahay dawladda dhexe waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya yidhi, “Dawladda oo joojisay kharashaadkii saayidka ahaa ee aan ku jirin miisaaniyadda joojisay oo ugu horreeyo wasiirka maaliyadda oo xakameeyey lacagtii iska bixi jirtey, oo imika wax aan miisaaniyadda ku jirin ma saxeexo, annaguna Baanka haddaanu nahay waxayagu waa farsamo, laakiin siyaasadda dawladda ayaa keentay in dhaqaaluhu dego, sicir-bararkuna hoos u dhaco.”