Saddex Qof Oo Soomaali Ah Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Rome (Aftahannews)-Wararka laga helayo Talyaaniga ayaa sheegaya in 3 qof oo Soomaali ah laga helay cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya dalkaasi.

Abuukar Nuur Xuseen oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Lombardia ee dalkaasi Talyaaniga ayaa ka warbixiyey xaaladda guud sida ay tahay, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka caalamiga ah ee Universal.

Dr Abuukar ayaa xaqiijiyey in illaa iyo hadda cudurka Coronavirus uu haleelay illaa saddex qof oo Soomaali ah, kuwaas oo uu tilmaamay in labo ka mid ah ay ku nool yihiin magaalada caasimada ah ee Rome, halka qofka saddexaad uu joogo gobolka Lombardia.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xaalad deg-deg ah uu ku jiro dalka, islamarkaana isbitaallada banaanadooda laga dhisay teendhooyin, si loola tacaalo dadka faraha badan ee uu soo ridanayo cudurka Coronavirus oo markii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha.

Talyaaniga ayaa waxaa ku nool dad badan oo Soomaali ah, kuwaas oo inta badan tahriib ku tegay dalkaasi, si ay uga sii gudbaan qaaradda Yurub.

Dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale noqday wadanka saddexaad ee uu sida daran u saameeyey Coronovirus, waxaana la sheegay inay ku dhinteen 197 qof, iyadoona uu  cudurku haleelay in ka badan 4600 oo qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.