Guddida Wadahadalada Somalia Iyo Somaliland Oo Kulan La Qaadanaya Dadka Aaminsan Fekerka Soomaaliweyn Iyo Qorshaha Xukuumadda Uga Meel Yaal

Hargeysa, (Aftahannews)-Gudida Wadahadaladda Somalia iyo Somaliland, ayaa ardayda ku dhaqan  dalka Turkiga ku qancinaya in Somaliland laga dhaadhiciyo in markale la midoobaan umadda Soomaaliyeed. Islamarkaanna kulankan waxa dhiig-joogin ama qaban-qaabadiisa samaysay hay’adda cilmi-baadhista Geeska Afrika ee loo yaqaanno (Dad).

Guddiga oo maalmihii la soo dhaafay xog-ururin ku samaynayay dadka aaminsan fekerka Soomaaliwayne ee aan jeclayn jiritaanka iyo nabadda ka hanna-qaaday Somaliland, guddidan ayaa iska dab-qaaday dalalka Geneva, Switzerland.

Guddigan oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha guddiga xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Cali Jaamac Jangali, General Axmed Jaamac iyo Dr. Caburaxman Baadiyow.

Kulanka Gudidu la yeesheen ardayda Turkiga ayay ku sheegeen inuu ahaa mid si weyn loogu dooday, soona jeediyay tallooyin wax ku ool ah.

 Xukuumadda Somaliland ayaa horre iyo danbaysaba ugu dooday in aanay wadahadaladaasi ka mid noqon dad ka soo jeedda Somaliland. Balse xukuumadda taagta-daran ee Soomaaliya ayaa wali fekerkeedda wadahadaladda waxba ka bedelin oo ku dhegan mowqifkeedda.

Sidoo kale, Bishii February 13-keedii ayay ahayd markii Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahan yahay garowsho, islamarkaana la iska ilaawo wixii xumaa ee dhacay, iyada oo la xidhayo bogga madow, lana furo mid cusub.“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray,” ayuu yidhi Farmaajo waxaanu hadalkiisii sii raaciyey

 “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaadhsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

Dhinaca kale, Bishii February Madaxweynaha Somaliland ayaa khubad dheer u jeediyey Labadda Gole Qaran, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo raali-gelinta Farmaajo “13-kii February 2020-ka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Raali-gelin ka bixiyey xasuuqii ay Dawladdii Somali Democratic Republic u gaysatay Shacabka Somaliland. Marka laga reebo weedha ah, ‘Kuwii Qoryaha Qaatay, iyagana cudurdaar ayaa laga rabaa’, taas oo ah in dambiga loo qaybiyo Dawladdii dhagarta gaysatay iyo shacabkii ka dhiidhiyey Xasuuqa ay Dawladdu waday, waan soo dhawaynayaa raali-galinta, waana tallaabo fiican oo loo qaaday dhinaca nabadda.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ahayd 73 sanno Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska (British Somaliland Protectorate). Waxa ay xorriyadeedii heshay 26 June 1960-kii. Waxa ay noqotay Dawladdii 15-aad ee xorriyadeeda hesha Qaaradda Afrika, waxaana aqoonsaday 35 dawladood, oo ay ku jiraan kuwa ugu waaweyn adduunka.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay kula midowday Soomaaliya hal shardi oo kaliya. Kaas oo ah in la helo shantii Soomaaliyeed oo midowda. Taasna 31 sanno oo la raadinayey, waa la waayey.

Madaxweynihii Somali Democratic Republic ee wakhtigaasi waxa uu si rasmi ah uga noqday raadintii midnimada Soomaali weyn daba-yaaqadii Qarnigii tagay, waxaanay ku cad yihiin shirarkii uu ku galay magaalooyinka Jabuuti iyo Addis Ababa.”Ayuu yidhi Muuse Biixi

Xigasho wargeyska warsugan