Puntland Oo Ka Hadlay In La Musuq-maasuqay Caddaalada Haweeney Kufsi Iyo Dil La Isugu Daray

Garoowe (Aftahannews)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ku amray hay’addaha garsoorka Puntland in ay caddaalad dhameystiran marsiiyaan kiisaska kufsiyada ee horyaala maxkamadaha.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid kadib markii waayahaan dambe ay saxaafada kasoo muuqanayeen dad ka cabanayay in si aan cadaalad ahayn loo maamulayo kiiska marxuumad hodan shanlaysane oo lagu kufsaday laguna dilay magaalada Garowe.
Madaxweyne Deni oo la hadlayay boqolaal haween ah oo isugu yimid xuska 8da maarso, ayaa beeniyay habo yaaraatee in la musuq maasuqay kiiska marxuumada, balse ay jiraan dad bulshada marin haabinaya oo sheeganaya magaca saxaafadda.

Deni waxaa uu balanqaaday in si lamid ah kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan, uu kiiskaana u helidoono cadaalad waafi ah, isagoo shacabka iyo ehelada marxuumada ugu baaqay inay isdajiyaan oo aysan ka hor dhicin xukunka maxkamadaha.